Dab Qabsaday Dhisme 24 Dabaq ah oo ku Yaal London

0
358

Laba iyo toban qof ayaa ku dhimatay dab qabsaday dhisme 24 dabaq ah oo London ku yaalla, booliiskuna waxay sheegayaan in ay sii kordhi karto dhimashadu.

Dhismaha Grenfell Tower ayaa ku yaalla Lancaster West Estate waxaana la sheegay in ilaa 200 oo dab damis ah ay la tacaalayaan xakamaynta dabka.

Booliiska ayaa sheegay in la daweeyay tiro dad ah oo ay dhaawacyo soo gaadheen.

Andy Moore oo ka tirsan BBC ayaa sheegay in dhismaha oo dhan uu dabku gaadhay lagana cabsi qabo in uu dumi karo.

Booliisku waxay sheegeen in dad laga daad gureeyay dhismaha.

45 gawaadhida dabdamiska ah ayaa loo diray goobta uu dabku ka kacay, duqa magaalada London-na wuxuu sheegay in lagu dhawaaqay in arintani ay tahay “mid wayn”.

Leave a Reply