Rooma oo Khaati ka Taagan Muhaajiriinta

0
372

Duqa magaalada  Rooma ee dalka Talyaaniga oo ka tirsan xisbiga Five Star Movement ayaa dawladda Talyaaniga waydiisatay in aysan muhaajiriin kale keenin magaalada.

Virginia Raggi ayaa sheegtay in soo galooti cusub ay sare u qaadi karaan xiisadda ka jirta bulshada dhexdeeda.

Baaqeedan ayaa dabo socda doorashadii dawladda hoose ee Axaddii dhacday taas oo xisbiga Five Star Movement uu natiijo hoosaysa ka keenay.

In kabadan 500,000 oo ruux ayaa doon ku tagay dalka Talyaaniga tan iyo sannadkii 2014kii. Tiro kabadan 200,000 oo ruux ayaana guryo looga sameeyay xarrumo dalka oo dhan ku kala baahsan.

“Ma ogolaan karno in uu sii abuurmo xiisad dadwayne oo kale” ayay Raggi ku soo qortay Facebook-geeda.

“Waana taas sababta aan u leeyahay macquul ma aha, waana halis in xattaa laga fikiro samaynta qaab horleh oo dad cusub lagu qaabilo.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa dhamaan dawladaha hoose ee Talyaaniga waydiisatay in ay goobo u diyaariyaan 250,000 oo soogalooti cusub ah oo la filayo sannadkan, taas oo ka badan tiradii sannadkii hore oo ahayd 180,000.

Dadka wax indha indheeya qaarkood waxay sheegayaan in Raggi ay weerarka soo galootiga u adeegsanayso in ay codbixiyeyaal ku kasbato, ka dib markii uu xisbigeedu guuldarro la kulmay

Kala badh dadka Talyaanigu ma doonayaan in dalkoodu uu martigaliyo dad dheeraad ah, sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay Renato Mannheimer oo ra’yi urruurin sameeya.

Talyaaniga ayaa dadkan badan qaabilaya ka dib markii ay xudduudahooda adkeeyeen dalalka ku yaalla dhanka waqooyiga, qaar ka mid ah dalalka Midawga Yurubna ay diideen in ay ka qayb qaataan qorshe 160,000 oo muhaajiriin ah lagagaga wareejin lahaa Talyaaniga iyo Giriigga.

Dad lagu qiyaasay 20,000 oo soo galooti ah ayaa hadda dib u dajin loogu sameeyay qorshahaas, Midawga Yurubna wuxuu billaabay dacwad ka dhan ah dalalka Poland, Hungary iyo Czek Repuplic maadaama oo ay diideen in ay aqbalaan qaxooti.

Dad lagu qiyaasay in ay 40% ka yihiin qaxootiga Talyaaniga ayaa haysta dalab sax ah oo ay magangalyo ku waydiisteen dalal kale ama xaq u leh in ay dalal kaas ugu noolaadaan si banii’aadminimo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP.

Leave a Reply