Cilmi baadhayaal ayaa soo saray Dooni ku burburtay xeebaha Maraykanka wakhtigii uu socday dagaalkii Maraykanka iyo Spein 100 sano ka hor. Doonidan ayaa lagu waayay xeebta koonfureed ee Kaliforniya.
Warixinta ayaa sheegtay in Doonidan oo sladhigeedu ahaa Sanfaransiisko ay la socdeen koox wadayaal ah iyo laba qof oo kale kuwaasi oo dhamaantoodku dhintay.
Maamulka xeebaha iyo gibilka dhulka ee dalka Maraykanka oo cilmi baadhayaashu ka socdeen ayaa cadeeyay in Doonidaasi ay ku burburtay xeebta gacanka Manila wakhtigii uu socday dagaalkii Maraykanka iyo Spein.
Warbixintan oo lagu daabcay wargeyska Sky News ayaa tilmaantay in sanadkii 1917 ay ahayd wakhtiga doonidan la waayay, ka dib markii ay duqaysay buur baraf ah, waxaan cilmi baadhayaashu ay ka soo saareen badda hoosteeda hadhaagii Doonidaasi.



















