Komishanka oo Xisbiyada Kala Shiray u Diyaar-garowga Doorashada Madaxtooyada

0
340

Hargeysa(Dawan)-Komishanka doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shalay kulan wadajir ah la yeeshay masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE. Waxaanay u sameeyeen qori tuur la xidhiidha sida xisbiyadu ay ugu kala horeynayaan qoraalada lagu qorayo waraaqaha codbixinta.

Sidaasna waxa lagu sheegay qoral kooban oo Komishanka doorashooyinku ka soo saareen  kulankii ay la yeesheen axsaabta qaranka, waxaannu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-“Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland waxa uu shalay la kulmay Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Qaranka oo ay ka wada hadleen arrimaha kaadh qaybinta ka socota waddanka, casharadii laga bartay wajigii koowaad ee kaadh qaybinta ( Awdal, Saaxil iyo Goobaha Xeebaha Sanaag), diyaar garowga labada gobol ee hada bilaabmaaya (Togdheer & Mardojeex) iyo diyaar garowga guud ee doorashada madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland.

KDQ wuxuu xisbiyada Qaranka uga warbixiyey qandaraasyadii keenista qalabka doorashada oo dhawaan la baahiyey , Xeerka Doorashada Madaxtooyada iyo wakhtiyada loo baahan yahay in shaqooyinka la xidhiidha doorashada la soo dhammaystiro, ku dhawaaqistii wakhtiga doorashada iyo dhaqaalaha doorashada madaxtooyada.

Sida oo kale KDQ iyo Saddexda Xisbi Qaran waxay isla qateen habka ay magacyada iyo astaamaha xisbiyadu ugu kala horaynayaan warqada codbixinta iyo qoraalada kale ee doorashada Madaxyooyada 2017 oo u dhacday hab daah furan oo qori-tuur ah.

Kulankan ayaa jawi is afgarad ah ku soo dhammaaday, waxaana uu kulankani qayb ka ahaa kulamada KDQ iyo Xisbiyada Qaranku isku waraystaan kolba halka ay marayso shaqadu.”

Komishanka doorashooyinka ayaa toddobaadkii hore madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u gudbiyay maalinta ay u cayimeen in doorashada madaxtooyadu waddanka ka qabsoonto oo ay u muddeeyeen 13/11/2017 oo ku beegan maalin Isniin ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply