Xukuumadda Somaliland oo ka Hadashay Bariis Caag ah oo La Sheegay in Dalka la Keenay

0
348

Hargaysa (Dawan)- Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayadda badecadaha Somaliland Cali Maxamed Cabdule (Biikalo), ayaa  sheegay in ay baadhitaan ku samaynayaan Bariis Caag ah oo la sheegay in dalka la keenay.

 

Waxaanu tilmaamay  in wasaaradda ganacsigu ay ku soo wargelisay in Bariis Caag ah dalka la keenay, isla markaana ay jiraan  dad iibsaday oo degan magaaladda Hargaysa, hase yeeshee ka hay’ad ahaan ay hubinayaan xaqiiqadda  arrintaasi.

Cali Biikalo, ayaa ka gaabsaday  in aan la aamini Karin ilaa shaybaadh la soo mariyo  qof  degan magaaladda Hargaysa oo sheegay in laga iibiyay Bariiskaasi Caagga ah, baadhitaankaasina ay ku hawlan yihiin sidii loo soo cadayn lahaa.

 

Guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayadda badecadaha, oo xalay wargeyska DAWAN uu wax ka waydiiyay  waxa ay ka og yihiin Bariiska Caagaha ah ee la sheegay in magaaladda Hargaysa mudooyinkanba lagu iibinayay.

Waxaanu  ku jawaabay   “Waxay u baahan tahay in la hubiyo, ilaa wixii si fiican loo hubiyo go’aan laguma qaadan karro.  Waxaanu doonaynaa in aanu calaamad ka qaadno cuntooyinka bakhaaradda dalka yaala io meelaha ay ka yimaadaan,  oo kadibna baadhitaan lagu soo sameeyo.

Si kalsoonidda ummadda loo sugo, waxaa noo qorshaysan in aanu cuntooyinkana soo  baadhno, oo aanu wasaaradda ganacsigana ka wada shaqaynaynaa. Ilaa hadda wax cad oo ku saabsan arrintaa  maanta (shalay)  qofka Hargaysa joogaa uu sheegay in uu Bariis Caag ah laga iibiyay ma hayno”ayuu yidhi Biikalo.

 

Cali Biikalo, oo aanu waydiinay sababta ay u ogaan waayeen markii Bariiska Caagga ah uu dalka soo gelayay, ayaa ku dooday in aanay shaqaalaha hay’adda dhawrista tayadda badeecadaha ee dekadda joogaa awood u lahayn in ay ogaadaan waxyaabaha noocaas ah, maadaama oo aanay haysan qalabkii wax lagu baadhayay.

Waxaanu yidhi “Shaqaalaha hay’adda dhawrista tayadda badeecadaha ee dekadda joogaa, waxay eegaan taariikhda iyo midabka cuntooyinka soo gelaya, waayo qalabkii  lagu baadhayay ma haystaan.”

 

 

Geesta kale guddoomiyaha hay’adda dhawrista tayadda badeecadaha waxa uu sharaxaad ka bixiyay ciqaabta uu mudan karo ganacsadaha ay ku cadaato in uu badeecado  aan la ogolayn ka ganacsigoodda dalka keenno.

“Xeerka hay’adda dhawrista tayadda way ku yaalaan talaabadda iyo ciqaabta uu  mudanayo  qofkii ganacsi noocaas ah ummadda u keenna, ciqaabtii la marinayay ee xeer ilaalinta lagu hor-gaynayay  xeerku wuu dhigayaa” ayuu yidhi guddoomiyaha hay’adda tayadda. Ugu danbayn Cali Biikallo, ayaa ugu baaqay ganacstadda soo dejiya badeecadaha kala duwan in aanay dadka u keenin cuntooyinka dhacay iyo kuwa aan la ogolayn ka ganacsigoodda.  Waxaanu yidhi “Qofka ganacsadaha ah waa qofka koowaad ee ugu dhaw,  ee garanaya  ayna  mudan tahay in uu iska hubsado badeecadda uu soo iibsanayo, waxaana  xaq loogu leeyahay in uu iska ilaaliyo. Waxaana saaran masuuliyad if iyo aakhiraba lagula xisaabtami doonno. Waxaanan ganacsatadda leenahay, oo aanu mar walba ku cel-celinaa in ay iska ilaaliyaan soo iibsashadda iyo ka ganacsiga waxyaabaha aan wanaagsanayn”.

Geesta kalena, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland,  Cumar Shuceyb Maxamed, oo ka hadlay arrintaas, ayaa  sheegay in ciddii arrintan ka ganacsata ee ee lagu helo  loo aqoonsanayo in ay bulshada  sumaynaysay lana horgeyn doono sharciga.

Wasiirku wuxuu sidaasi ka sheegay shirjaraa’id oo uu shalay ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa. “Koley waxaannu u balansanahay hay’adda dhawrista tayada Somaliland inaanu tijaabo ka qaadno shirkadaha waaweyn ee bariiska soo dejiya in laga qaado calaamad, oo annaga iyada hay’adda tayadu aannu u diro Nairobi, waxaynu leenahay meelo baadhi kara bariiska, oo WHO ay keentay oo degmada  Sheekh oo kale ka  jirta, markaa inaanu ka hawlgalo ayaanu ku talo jiraa, qorshahana waa ay noogu jirtaa oo waanu u balansanahay haddii Illaahay yidhaahdo,”ayuu yidhi Wasiir Cumar Shucayb, isagoo hadalkiisa sii watayna wuxuu yidhi;  “Xukuumad ahaan cidna raali uga noqon mayno, ciddii lagu qabto marka arrintaasi soo caddaato ee la baadho waxaannu ka qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan oo la xidhiidha arrimahooda ruqsada ganacsina waanu kala noqon doonaa. marka la soo caddeeyo mana rabno in shirkad kaliya aanu nidhaahno taasi ayaa keentay laakiin baadhitaan ayaanu wadnaa.”

“Cidda ganacsato ah ee arrintaasi lagu qabto waxa ay u muuqata in dastuurkii iyo ganacsigii iyo ummadiiba meel kaga dhacday arrintaasina waxaa ay noqon doontaa mid talaabo sharciya oo adag laga qaado, qofka lagu helana  waxay noqoneysaa inuu bulshadii sun siiyay ciddii lagu qabtana talaabo sharciga waafaqsan ayaanu ka qaadi doona,”ayuu yidhi Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Maalgashiga, Cumar Shucayb Maxamed.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply