Guddoomiyaha Guurtida oo Dan Qaran ku Tilmaamay Go’aanka Somaliland ka Qaadatay Go’doominta Qadar

0
321

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa dan qaran ku tilmaamay mowqifka xukuumadda Somaliland ka qaadatay go’doominta dawladaha Khaliijku saaray dalka Qadar.

Guddoomiye Saleebaan waxa uu sheegay in mowqifka Madaxweynaha Somaliland ka qaatay khilaafka Khaliijka ee ay u codeeyeen golaha wasiirrada xukuumaddu uu yahay halka danta qaranku ku jirto, isla markaana ay waajib tahay in lagu raaco.

“Qaranku Madaxweyne ayuu leeyahay, isaga ayaana u yidhaahda, isagiina hadal, (markaa) halka uu maro ayeynu wada maraynaa, dantuna sidaas ayey ku jirtaa, kolayna siyaasad ahaan wey isku dhaw-dhaw yihiin nimankan is khilaafsan maantu, laakiin halka dantu tahay ayeynu maraynaa, sidaas ayeyna danteenu ku jirtaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Guurtidu,” ayuu yidhi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo warbaahintu wax ka waydiisay arrintan shalay, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata inaa raaciyey, “Dawladna waad sheegaynaysaa, siyaasadna waad leedahay, danna waad leedahay, sidee ayaan dhex isku taagaa markaa? Halkii dantaydu ku jirto ayaan raacayaa.”

Waxa kaloo uu ka hadlay shuban-biyoodka ka taagan degaanno kala duwan oo dalka ah, waxaannu yidhi; “Hadda wuu xakamaysan yahay (shuban-biyoodku), wuuna jiraa, dhimashaduna aad ayey u yartahay, dadka uu soo ridanayona aad ayey u sii yaraanayaan, meel fiican ayeynu maraynaa, Insha Allaah waynu ku guulaysan doonaa, dhammaanteena aynu dawladda la wadno (dedaalka lagula dagaalamayo shuban-biyoodka), waynu ku guulaysan doonaaye.”

Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka codsaday bulshada inay isku diyaariyaan doorashada mar haddii si rasmi ah loo cayimay maalinta ay qabsoomayso oo ah 13 November 2017, “Madaxweynuhu isaga ayaa go’anka leh oo mar haddii uu muddeeyey, nabadgelyadana isaga ayaa ka masuul ah, kaadhka (codbixinta) hala qaato, doorashadana hala galo,” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Guddoomiyaha Guurtida Somaliland oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply