Magaalo qadiimi ah oo Masaajid leh oo laga Helay Itoobiya

0
528

Gobolka Harlaa ee bariga dalka Itoobiya ayaa laga helay magaalo qadiim ah oo la iska iloobay.

Waxaa la aaminsan yahay in magaaladani ay qarniyo ka hor ahaan jirtay xarun ganacsi.

Waxyaabaha hadhaagoodii la soo faagay ee dhulka hoostiisa loogu tagay waxaa ka mid ahaa masaajid dhisnaa ilaa qarnigii 12aad iyo qubuuro ay Muslimiintu dadkooda ku aasi jireen.

Madaxa kooxdan culimada ah ee baadheysa haraagii hore ayaa sheegay in habka uu u dhisan yahay masjidka ay heleen uu la mid yahay sida masaajidda laga helay koofurta Tanzaniya iyo Somaliland,oo waxay caddeyn u tahay inuu jiray xidhiidh taariikheed oo u dhexeeya bulshooyinka Islaamka ee Afrika.

Waxaa kale oo la helay lacag maar iyo qalin ka sameysan oo Masar laga isticmaali jiray qarnigii 13aad iyo dahab iyo qalin dumarku xidhan jireen iyo alaabooyin kale oo laga keenay dalalka Madagaskar, Maldives,Yemen iyo Shiinaha.

 

 

Beeraleyda gobolka Harlaa ee bariga Itoobiya ayaa in badan waxay meel dhulkooda ka mid ah ka helayeen alaabooyin ay la yaabeen oo ay ka mid tahay lacag sanuud ah oo Shiinaha laga  isticmaali jiray taasi waxay dhalisay sheeko xariireed dadku ku sheekeysto oo ah in meeshu tahay aag ay ku noolan jireen dad ka waaweyn dadka caadiga ah oo haddana ka dhaadheer dadka caadiga ah,hase ahaatee culimadii baadhitaanku waa ay xaqiijin waayeen sheeka-xariirta.

Haddaba sanadkan culimadu waxay qodi doonaan dhul kale,waxase inta ka horeysa la darsayaa hadhaagii ilaa 300 qof oo ku aasan qubuuraha oo waxyaabaha la darsi doono ay ku jirto qaabkii ay wax u cuni jireen iyo wixii ay cuni jireen.

Natiijadii cilmibaadhistan waxaa lagu soo bandhigi doonaa xarunta gobolka ee lagu kaydiyo wixii laga dhaxlay quruumihii hore iyo matxafka qaranka ee Addis Ababa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here