Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa sheegay inuu laalayo qeyb ka mid ah heshiiska uu maamulkii Obama la galay dowladda Kuuba, kaasoo uu ku tilmaamay “mid dhinac u janjeedha”.
Isagoo ka hadlayay magaalada Miami ee gobolka Florida, ayaa waxa uu sheegay in siyaasadiisa cusub ay adkeyn doonto shuruucda saamaynaysa socdaalka iyo lacagaha loo diro dalkaasi jasiiradda ah.
Balse Trump ayaan meesha ka saari doonin xidhiidhka diblomaasi iyo kan ganacsi ee dhawaan ay dib u billaabeen labada dal, sidoo kalana waxaa sii furnaan doonta safaaradda Maraykanka ee Havana.
Trump ayaa sheegay in heshiiskii Maarso 2016 uu maamulka Obama la gaadhay dowladda “arxanka darran” ee Castro uu ahaa mid “aad u xun” oo “la marin habaabiyay”.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale saxeexay amar lagu xoojinayo in muwaadiniinta Maraykanka aanay u dalxiis tegin Kuuba.
Amarkan cusub ayaa sidoo kale mamnuucaya in shirkadaha Maraykanka ay ganacsi la sameeyaan shirkadda ganacsi ee ciidanka qalabka sida ee Kuuba, taasoo ku lug leh baayac-mushtar noocyo badan.
Balse waxa uu sheegay in aanay saamayn doonin shirkadaha diyaaradaha iyo kuwa maraakiibta ee Maraykanka in ay u safraan dalkaasi jasiiradda ah.



















