Maleeshiyaadka Buuhoodle oo Taageeray Heshiiska Somaliland iyo Khaatumo

0
372

Buuhoodle (Dawan)- Xubno ka mid ah saraakiisha ciidammada maleeshiyaadka Buuhoodle, ayaa bulshada degaankaasi ugu baaqay in la taageero heshiiskii Khaatumo iyo Somaliland, sidoo kalena waxa ay ka digeen in madaarka Buuhoodle aanay ka soo degi karin siyaasiyiin ka soo jeeda Soomaaliya iyo Puntland.

Saraakiishani waxa ay sidaasi ka sheegeen hadal ay meel faagaare ah uga jeediyeen bulshada ku dhaqan magaalada Buuhoodle, kadib markii ay ka soo laabteen safar ay ku tageen magaalada Widhwidh oo ay kulan wada-hadal ah kula soo qaateen madaxda maamulka Khaatumo waxaanay bulshada uga xog warrameen waxyaabihii lagaga wada hadlay kulankaasi.

Saraakiishu waxa kale oo ay amar ku bixiyeey in aan gudaha magaalada Buuhoodle lagu qaban karin shir ka dhan ah maamulka Khaatumo, isla markaana garoonka diyaaradaha magaalada Buuhoodle aanay wax diyaarad ahi ka soo degi karin, sidaa awgeedna uu u xidhan yahay sidii looga xidhay madaxweynaha Khaatumo in uu ka duulo cid kale aanay ka yeelayn inay ka soo degaan.

Abbaanduulaha maleeshiyada  Khaatumo Mahad Cali Qalaad ayaa ugu horrayn halkaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “Aniga oo ah abbaanduulaha ciidamada Khaatumo waxaan ka digayaa warar na soo gaadhaya, waxyaabo badan oo uu caqligu diidayo, oo qoomaya nabadgelyada, wada-jirka iyo danta bulshada ku dhaqan deegaanka Khaatumo, sidaa darteed ama dhaqan ha ahaado, ama mid maamul kale u shaqeeya ha ahaado, in aanaan u dul qaadan doonin wixii waxyeelo ku ah nabadgelyada, danta ummaddan, deris wanaaga, wadahadalka u socda mamulka Khaatumo iyo xukuumada Somaliland ee ay go’aamiyeen golayaasha maamulka Khaatumo ee aynu dooranay, kuna soo tacabnay ee uu inagu hogaaminayo Prof. Cali Khaliif Galaydh, waxa kale oo aad la socotaan in garoonkii diyaaradaha Buuhodle ee shacabkani ku soo tabcay in laga hor istaagay si gef ah madaxweynaha Cali Khaliif iyo wafdigiisa, waxaan maanta caddeynayaa in garoonkaasi uu u xidhan yahay sidii loo xidhay, cidina aanay u soo hunguroon karin inay ka soo degaan. Waxa kale oo aan ka hadlayaa waxaan maqlayaa oo la iclaaminayaa shirar lagu duminayo Khaatumo iyo wadahadalka ay la bilowday Somalilnad,  ninkii talo noo hayaa horta tiisa ha u soo taliyo.”

Cabdirisaaq Muxumed Maxamuud (Xudhuuqiye) oo ka mid ah saraakiisha halkaasi ka hadashay ayaa tafaasiil ka bixiyay waxyaabihii lagaga wada hadlay kulankii ay magaalada Widhwidh kula yeesheen maamulka Khaatumo, waxaannu yidhi “Waaxaanu gaadhnay anagoo ka kooban saraakiil ay intoodii badnayd halkan ku sugan tahay si aanu uga soo xog wareysano safarkiisii dhawaan ee isaga iyo golayaasha Khatumo ay heshiiska hordhaca ah ku soo gaadheen, sidoo kalena wejigiisa labaad loogu ballansan yahay gobolka Togdheer, kaas oo ay shacabka deegaankani guddo iyo debedba aragtiyo kala duwan ka bixiyeen, horta madaxweynaha waxaanu shacabka Buuhoodle iyo nawaaxigiisa uga sidnaa salaan ballaadhan iyo ciid mubaarak, wuxuuna na soo farey in hadafka Khaatumo iyo masuuliyada loo igmaday tahay mid ka duulaysa nabad ku wada noolaansho iyo derisyada oo la xaq dhawro, madaxweynaha iyo masuuliyiintii la joogtay anaga ka saraakiil ahaan waxay noo soo dhaweeyeen si balaadhan waanu noogu hambalyeeyey booqashadayadii, wuxuuna si aanu ku qanacnay  oo aanu soo dhaweynay nooga dhaadhiciyey ujeedada xilligan ee Khaatumo oo ah in meel wacan uu marayo wadahadalku, in loo baahan yahay in lala yimaado midnimo iyo wadajir, waxa kale oo uu noo faahfaahiyay in shirkaa Burco uu yahay mid dantoodu ku jirto, waxaana looga baahan yahay ayuu yidhi shacabka in ay maamul daadejin la yimaadaan, waxaan wadajir lagu gaadhina in aan la gaadheyn, wixii tafaraaruq ah ee laga dhex abuuraana uu yahay mid natiijada ay higsanayaan nuqsaaminaya, anaguna saraakiil ahaan waxaanu leenahay shacabka Khaatumo ha la taageero oo halays garab taago baaqa madaxweynaha aanu ka sidno iyo wadahadalka.”

Dhinaca kale waxaa iyaguna ka mid ahaa xubnaha halkaas ka hadlaay taliyaha hawlgelinta ciidamada Khaatumo Maxamed Aadan Geelle (Curri) waxaanu sheegay in aanay u dulqaadan doonin cid kasta oo isku dayda in ay wax u dhinto nabadgelyada iyo wada-jirka ummadda, waxaanu yidhi “cidna uga dulqaadan mayno waxa danta dadkayaga iyo mamulkooda ka hor imaanaya, waana in la garab istaago oo laga dhursugo mamulka ummaddu leedahay ee Prof Cali Khaliif madaxweynaha ka yahay.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply