Natiijadda Baadhitaan Ciidammada Dab-demisku ay ku Sameeyeen Koontiinarro ku Gubtay Dekedda Berbera

0
350

Berbera (Dawan):   Ciidammada  Dab-demiska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaaday  in  ay soo gebagabeeyeen  baadhitaan la xidhiidha dhinaca arrimaha  Dabka oo ay ku sameeyeen sababta dhalisay laba koontiinar oo dhawaan ku gubtay dekedda Berbera.

Taasi oo ay ku sheegeen in ay ka dhalatay heer-kulka cimiladda xiliga Xagaaga ah ee magaaladda Berbera oo aad u sareeya uu sababay  gubashadii laba koontiinar oo maalmo   kala duwan    ku gubtay dekadda magaaladda Berbera.

Waxaanay  taliska ciidanka Dab-demisku tilmaameen  in kadib markii ay baadhitaanka    ku sameeyeen waxa dhaliyay   gubashadda  koontiinaradaasi  ay u cadaatay in aanay  jirin cid ku lug leh, isla markaana aanu dabkaasi  gaysan wax khasaare ah marka laga reebo labada   koontiinar ee gubtay.

Taliyaha ciidamadda Dab-demiska jamhuuriyadda Somaliland  gaashaanle sare  Axmed Maxamed Xasan  (Axmed Sawaaxili), oo uu  wehelinayay   agaasimaha  ciidanka Dab-demiska  oo shalay warbaahinta kula hadlay magaaladda Berbera,   ay u tegeen gaadhi kuwa Dab-demiska ah oo ay ku wareejinayeen dekadda Berbera.

Gaashaanle sare Axmed Sawaaxili,  ayaa sidoo kale beeniyay warar ay warbaahinta gudaha qaarkood qoreen oo sheegayay   in dekadda Berbera ay gubatay, maalmihii ay labadda koontiinar gubteen kadib. Waxaanu sheegay    in labadda koontiinar ee gubtay  ay ku jirtay Kiimiko.

Isagoo  arrimahaas  ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dadweynaha reer Somaliland waxaan ugu bushaaraynayaa ama u sheegayaa in sidii loo buun-buuniyay aanay ahayn khasaaraha ama dhibaatadii dhacday.  Koontiinaradaasi  waxay ahaayeen qaar dekadda ka gudbayay dalka oo  Transit  ku ahaa, iyadoo  markii hore-ba laga sii taxadiray oo meel gooniya la dhigay.

Dabkii  halkaa ka kacay-na wax khasaare ah oo uu dekadda Berbera u gaystay ma jirto.  Dabkaasi wuxuu ku ekaa uun labadii koontiinar, ciidanka dab-demiska B erbera-na hawl fiican ayay ka qabteen. Nidaamkii  Dab-demiska ee  dekadda Berbera iyo haamaha kaydka shiidaalku-ba qaybta Dab-demiska way leeyihiin, imika-na casriyaynta la casriyaynayo dekadda Berbera ayay la jaanqaadi doontaa.”

Taliyaha ciidanka Dab-demiska waxa kale oo uu sheegay in koontiinaradda weli ku hadhsan dekadda ee ay ku jirto Kiimikadda in la qaadi doono, isla markaana lagu aasi doono meel magaaladda ka baxsan. “Koontiinaradda weli halkan (dekadda) yaala ee ay Kiimikadu ku jirto waanu tirinay,  oo inta laga qaado meesha ayaa goob magaaladda ka baxsan lagu shubi doonaa, laguna aasi doonaa, wax dhibaato ah oo ay dadka u gaysanayaana ma jirto” gaashaanle sare ayuu yidhi Axmed Sawaaxili.

Agaasimaha   Ciidanka Dab-damiska qaranka  Cabdiqaadir Cumar Xaashi,  ayaa sheegay  sababtii keentay gubashadda labadii koontiinar ay  ahayd mid ka dhalatay  kulaylka cimiladda xiliga Xagaaga ah ee Berbera.

Kadib Huur iyo Dhidid ay samaysay Kiimikadii ku jirtay  koontiinaradda darteed ay dhalisay in Qaac iyo olol uu ka dhacay koontiinaradaasi. Waxaanu yidhi “Markii  ay cimiladu kululaatay iyadoo aynu xili Xagaa ah ku jirno oo aynu garan karno in Berbera oo kale cimiladeedu aad u kululaato ay keentay  in Huur iyo dhidid ay sameeyaan Kiimikadii ku jirtay koontiinaradaasi, kadibna Olol iyo qarax uu ka dhashay kiimikadii ku jirtay koontiinaradaasi.

Sidaas darteed, waxaa la go’aansaday  maadaama oo ay arrintu Dab la xidhiidho in ciidanka dab-demiska qaranka loo dirro oo ay ka hawl-galaan, arrintaasina ay warbixin sugan iyo waxqabad muuqda ay ka sameeyaan, soona gudbiyaan natiijadda ugu danbaysa”.

Cabdiqaadir Cumar Xaashi,   ayaa  sharaxaad ka bixiyay baadhitaankii ay ka sameeyeen falka la xidhiidha gubashadda labadii koontiinar ee dhawaan ku gubtay dekadda Berbera,    “Natiijadda baadhitaankii aanu samaynay, aad iyo aad ayuu noo farxad geliyay, waxaanan ogaanay in wixii meesha ka dhacay uu ahaa wax aad iyo aad u kooban, kuna koobnaa laba koontiinar oo sida maamulka dekadda Berbera ay cadeeyeen  transit ku ahaa dekadda, oo aan ahayn hanti ama maal ay lahaayeen ganacsatadda Somaliland oo loo soo waaridayay gudaha dalka”ayuu yidhi agaasimaha ciidanka Dab-demiska Somaliland.

Dhinaca kale taliyaha ciidamadda Dab-demiska jamhuuriyadda Somaliland  gaashaanle sare  Axmed Maxamed Xasan  (Axmed Sawaaxili), oo ay wehelinayeen agaasimaha  ciidankaasi iyo masuuliyiin ka socday  wasaaradda arrimaha gudaha ayaa shalay  gaadhi Dab-demis ah ku wareejiyay maamulka  dekadda  Berbera.

Gaashaanle  sare  Axmed Maxamed Xasan  (Axmed Sawaaxili), oo hadal ka jeediyay  goobtii ay ku wareejinayeen gaadhigaasi Dab-demiska ah, waxa uu  yidhi “Waxaanu ku wareejinaynaa dekadda Berbera gaadhi Dab-demis oo qalabkiisii oo dhan wata, oo ciidankiisii oo dhana ay la socdaan. Waxaanay halkan u yimaadeen in ay garab-siiyaan in marka haamahan ama koontiinaradan hadhsan la qaadayo in ay qaboojiyaan, kadib-na la qaaddo ilaa meesha lagu soo aasayana ay garab-siiyaan Dab-demiska Berbera”.

Sidoo kale agaasimaha  ciidanka Dab-demiska  Cabdiqaadir Cumar Xaashi, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa  u mahad celiyay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland  iyo duqa caasimadda Hargaysa oo uu sheegay in ay iska kaashadeen  soo iibinta  baabuurkaasi Dab-demiska ah.

Waxaana hadalkiisa ka mid ahaa “Waxaan u mahad celinayaa wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha jamhuuriyadda Somaliland, duqa caasimadda Hargaysa oo nagu guubaabiyay,  nagu-na taageeray in aanu taakullo iyo kaalmo ka gaysano labadii koontiinar ee labadii todobaad ee ina dhaafay ku gubtay dekadda Berbera oo ay ku jireen kiimiko” ayuu yidhi agaasimaha Dab-demiska.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply