Rabshado Sababay Dhimasho oo ka Dhashay Doorashada Kiiniya

0
381

Ugu yaraan saddex qof ayaa la dilay kadib qalalaasaha ka dhashay doorashadii Kiiniya markii uu  Hoggaamiyaha mucaaridka Kiiniya Raila Odinga uu  sheegay in la jabsadey habkii elegtarooniga ahaa ee komishanka doorashada si la isku daba mariyo natiijada doorashada.

Waxa uu ku gacmo seydhay natiijada hordhaca ee doorashadii salaasadii oo muujisay in uu si aad ah ugu horeeyo madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Arrintaasi ayaa keentay in ay qarxaan rabshado dhimasho sababay inkasta oo siyaasiyiiintu ku baaqayaan in la is dejiyo.

Guddoomiyaha doorashada ayaa sheegay inuu kalsooni ku qabo habka doorashada, balse la baadhi doono eedeyntaasi hoggaamiyaha mucaaridka.

Laba  qof ayaa la sheegayaa inuu ku dhintay isku dhac ku dhexmarey booliska iyo dad bannaanbaxayay magaalada Neyrobi.  Haalka hal qofna lagu dilay magaalada South Mugirango.

Booliska ayaa sida oo kale tacshiirado ku furey taageerayaasha mucaaridka oo isugu soo baxay magaalada ku taal galbeedka ee  Kisumu, halkaasi oo mucaaridku ku badan yihiin.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Kenya Wafula Chebukati oo shir jaraa’id ka hadlay ayaa sheegey in natiijada kama dambeysta ah lagu shaacin doono muddo 7 maalmood ah.

Waxa uu sheegey in natiijooyinka hadda la soo gudbiyey aysan ahayn kuwa rasmi ah, kuwa rasmigana ay yihiin kuwa ku qoran foomamka gacanta ku qoran ee laga soo gudbin doono goobaha codka laga dhiibtey.

Mar wax laga weeydiiyey eedeynta hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ee ah in la jabsaday habka electaroonika ee guddiga, kadibna lagu shubtey codadka ayaa waxa uu yidhi “Waan baadhi doonaa sheegashaadaasi, balse hadda waxbo kama odhan karo”.

Wasiirka amniga guddaha Fred Matiang’I ayaa sheegey in laga yaabo in ay xanibaad ku sameeyaan isticmaalka baraha bulshada oo la aaminsanyahay in ay yihiin meelaha laga huriyo rabshadaha.

Wariye BBC-da ka tirsan oo ku sugan magaalada Kisumu ayaa soo tabiyey in uu arkay boqolaal qof oo muhaadaraad halkaasi ka dhigey, kuwaasi oo ku dhawaaqayay “Raila la’aantiis, nabad ma jirto”, balse markii dambe ay booliiska kala eryeen.

 

Mar sii horeysey musharaxa isbahaysiga NASA Raila Odinga ayaa diidey natiijada horudhaca ah ee muujineysa in Uhuru Kenya uu ku horeeyo 54% codadka oo la tiriyey 91% boqolkiiba.

Musharaxa madaxwaynanimada ee mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa ku gacan sayray oo diiday natiijooyiinka hordhaca ah oo muujinaya in si wayn uu ugu horeeyo, madaxwaayne Uhuru Kenyatta.

Mr Odinga ayaa saxaafada u sheegay in natiijada ka soo baxaysa doorashada ay tahay”mid been abuur ah”,sababtoo ah buu yiri lama keenin dikumiintiyo cadaynaya natiijada

Guddiga doorashada Kenya ayaa waxa ay sheegeen in boqolkiiba 96.83 codadka  la tiriyay uu  Mr Kenyatta uu ku hogaminayo 54.5 boqolkiiba, halka Mr Odinga uu haysto boqolkiiba 44.8.

Chibokati guddoomiyaha IEBC

Dad badan ayaa ka cabsi qaba in ay dalka ka dhacaan rabshado la mid ah kuwii ak dhacay 10 sano ka hor.

Mucaaradka ayaa natiijada la baahiyay ku tilmaamay been abuur sabtoo ah natiijada ma wehelin foomamka xarumaha codaynta ee loo yaqaano foom 34A iyo 34B.

“Waa khiyaali ,waa been abuur,”ayuu ku nuuxnuuxsaday Mr Odinga.

Dhanka kale weli waxaa socota tirinta codadka doorashada Kenya, codadka horudhaca ee ilaa iyo imika la tiriyayna waxay muujinayaan in madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku horreeyo boqolkiiba konton iyo shan codadkii la tiriyay. Guddiga doorashada waxaa kale oo ay shegeen in la tiriyay saddex meelood labo meel goobihii ay dadka ka dhiibteen codadka.

Sida ay muujinayaan tirooyinka kasoo baxaya xarunta dhexe ee natiijada guddiga doorashooyinka, illaa toban milyan iyo bar cod ayaa la tiriyey marka aan warkan daabacaynay, waxayna labada musharax ee ugu muhiimsan kala heleen, Uhuru oo heysta 55% boqolkiiba, iyo Odinga oo heysta 44%. Guddiga doorashada ayaa ku booriyay shacabka inay ka dhowrsugaan natiijada kama dambeysta, waxaana welii guud ahaan dalka Kenya ka socda tirinta codadka doorashada.

Xarunta Bomas ee ay tirinta ka socoto waxaa ku sugan safiirada Maraykanka, UK iyo dalal kale oo aad u danaynaya doorashada Kenya iyo waliba kormeerayaasha.

Sida weyn ee loogu soo baxay codbixinta doorashada Kenya ayaa ah mid muujinaysa”in dimuqraadiyada Kenya ay qaangaadhay”, waxaa sidaasi sheegay afhayeenka dowlada Kenya,Eric Kiraithe.

“Safafka waxay ahaayeen kuwa la yaab leh ,xaqiiqadii Kenyanka aad ayay u soo baxeen si ay u codeeyaan,”.ayuu yiri Kiraithe.

Afhayeenka ayaa amaanay saraakiisha guddiga doorashada iyo xuduudadaha(IEBC),oo uu sheegay iney si wanaagsan u qabteen shaqdooda.

Mar uu ka hadlayay dib u dhaca meelaha qaar ee ay sababeen xaaladaha cimilada ,waxa uu sheegay inay dowlada diyaar u tahay in ay gacan siiso guddiga doorashada.

Madaxeynihii hore ee Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in muran kasta oo ku xeeran doorashada loo xaliyo si nabad ah, iyada oo loo marayo hey’adaha waddanka iyo sharcigaba

Dadka Kenyanka ah ayaa waxa ay u codeeyeen 6 jago laga soo billaabo madaxwaynaha ilaa golaha wakiilada degmooyinka.

Leave a Reply