Hargeysa(Dawan)- Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Buuhoodle, Jaamac Dheeg Cartan, ayaa maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland iyo dawladda Xamar uga digay faro-gelin ay ku hayaan dadweynaha degaanka Buuhoodle oo uu sheegay in ay colaado ka dhex hurinayaan.
Waxaannu ku eedeeyay masuuliyadda dagaal dad ku dhintay oo dorraad ka dhacay magaalada Buuhoodle iyo ergo nabadayn u socday oo shalay laga dilay nin nabad-doon ahba in ay ka dambayso dawladda Muqdisho oo ka soo horjeeda nabadgelyada iyo xasiloonida Somaliland,isagoo intaa raaciyay in shaqaaqo ay Buuhoodle ka abuurto dawladda Soomaaliya in ay beryahanba wadday una soo maraysay Puntland.Waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay khadka telefoonka ugu warramay Wargayska Dawan.
“Magaaladu imika way degan tahay maanta(shalay) waxaa lagu dilay oo geeriyooday nabadoon ka mid ahaa ergo nabadeed oo Widh-widh ka tegtay midna wuu ku dhaawacmay, markaa tirada guud ee labada maalmood ku dhintay waa 11 qof dhaawucuna waa 28 qof, imikana waxaa magaalada soo gaadhay ergooyin nabad doon ah oo ka kala yimmi deegaanno badan oo Somaliland ah waxaanan tacsi u dirayaa guud ahaan dadka halkaa ku dhintay in ALLE u naxariisto ehelkii iyo qoysaskii ay ka bexeena in ALLE samir iyo iimaan ka siiyo ayaan uga baryayaa,imika wax ciidan ah oo is hor fadhiyaa ma jiraan waana la kala qaaday arrintuna waxay ka dhacday wax haddii si caafimaad qab ah looga wada hadlo la dhammayn karo,”ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenku.
Waxa kaloo uu ku eedeeyay dawladda Farmaajo inay doonayso inay colaad ka abuurto Buuhoodle, waxaannu yidhi; “Waxa degaanka ka jira duulaan ay ku soo qaaday dawladda Xamar oo u soo maraysa Puntland iyadoo marba halka ugu daran ee ay is leedahay waxbaa idiinka suuragaya ka abbaaraysa waxaanay dagaalkan u soo martay in ay soo adeegsato shaqsiyaad wax magarato ah oo u suuragaliyay in dagaalkani uu dhoco,waxaan leeyahay labada beelood ee walaalaha ah caqligu ha shaqeeyo oo ka nool ayaa talo innooga baahan ee aan u talino inta nin dhintay loo dhimanayo Puntland iyo maamulka Xamarna waxaan uga digaynaa in ay ka waantoobaan faro galinta ka daayaan deegaanka Buuhoodle iyo colaadaha ay ka hurinayaan ka dawlad ahaana way naga go’an tahay in aan dadkayaga cadawgu isku dilin imikina nabadayntooda waanu ku jirnaa.”
Dawannews Hargeysa office



















