Wargeys ka soo Baxa Baqdaad oo Warbixin ka Qoray Iskaashiga Somaliland la Leedahay Imaaraadka Carabta

0
376

Baqdaad(Dawan)- Wargeyska Kitabat oo ka soo baxa magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq, ayaa shalay baahiyey warbixin uu kaga hadlay cilaaqaadka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Imaaraadka carabta, gaar ahaan heshiisyada maalgelinta dekedda Berbera iyo saldhiga Millatari.

 

Warbixintan oo uu qoray suxufi la yidhaahdo, Mr. Rasha Ashari oo ka tirsan Wargeyska Kitabat, waxaa uu kaga  hadlay asbaabaha dalalka Afrika ay  u taageereen cunaqabatayna Sucuudiga iyo xulafadiisu ku go’doomiyeen dalka Qatar, waxaanay u qornayd sidan:-

“Waxa jira sababo badan oo ogolaanshaha dalalka afrika   xidhiidhka ugu jareen dalka Qatar, dhinac marka laga eego, waxa muuqanaya danno dhaqaale iyo xidhiidho  siyaasadeed oo ku ajburay inay taageeraan, waxa loo  arkaa  in dalalkani  doonayaan iskaashi iyo xulafo ay ka helaan dalalka Khaliijka.

Dhinaca kale, danaha Khaliijka ayaa ah inay saamayn ku yeelato waddamada Qaarada Afrika, si ay meesha uga saaraan taageero dalka Iiraan iyo shiicadu ku yeelato, waxa kaloo kaalintooda sii xoojinaya saldhigyada millateri oo siinaya quwad ciidan iyo mid dhaqaale oo ay ku yeeshaan badda gacanka cas.

Mowqifyada waddamada Afrika qaarkood:

Dalalka  Afrika ayaa mowqifyo ay xidhiidhka diblamaasiyadeed ugu jareen dalka Qatar qaatay, ama ay hoos ugu dhigeen joogitaankoodii, sida   Niger, Mauritania, Senegal, Djibouti, Comoros, Libya, Chad iyo Mauritius.

Somaliland:

Xukuumadda Somaliland oo ku dhawaaqday inay  ka madax-bannaan tahay Soomaaliya,  ayaa shaacisay  10 June, inay si buuxda u taageersan yihiin Sucuudiga iyo Xulafada Khaliijka ee ku wajahan  Qatar. Sidoo kale shirkadda diyaaradaha Qatar ayaa laga mamnuucay adeegsida hawadda Somaliland. Inkastoo dalka Qatar aanu xidhiidh la lahayn Somaliland una aqoonsanayn dal madax-bannaan, ma cadda in dalka Qatar aqbali doono xanibaada dhinaca hawadda ee Somaliland.

Somaliland ayaa xidhiidh dhow la wadaagta dalka Imaaraadka Carabta, kadib heshiis badhtamahii sannadkan ku kala saxeexdeen in shirkadda DP World dib-u-habayn iyo casriyeyn  lagu samaynayo dekedda Berbera iyo heshiis kaloo saldhig millatari kaga samayteen waxaanay Somaliland heshiisyadaas beddelkeeda ku heli doontaa  horumarinta kaabayaasha dalkooda iyo shaqo abuur baahi weyn loo qabo.

Mashaariicdan Somaliland  ka heshay Imaraadka ayaa dib-u-ridaysaa wadaxaajoodkii siyaasadeed  iyo iskaashi dhexmara Soomaaliya, arrintaasina waa ta sababtay in Somaliland iyo Soomaaliya laba mowqif ka kala istaagaan arrinta Qatar.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply