‘Maalin iyo Habeenba Waxaan u Ololeynayaa Xisbiga KULMIYE’

0
389

Hargeysa (Dawan)- Maayarka magaalada Berbera, Cabdishakuur Maxamed Ciddin, ayaa sheegay in biyo yaraaani ay soo food-saarto dadka ku dhaqan magaalada Berbera, wakhtiyada uu taagan yahay moosinka  Xajka ee xooluhu ka dhoofayaan dekedda.

Maayarka Berbera oo u waramay Wariye Keyse Axmed Digaale oo ka tirsan telefishanka SAAB TV, ayaa sheegay in uu u olalayn doono habeen iyo maalinba xisbiga Kulmiye ee uu ka tirsan yahay;  “Anigu doorasho ayaan ku soo baxay, xisbiyadana ma wada taageero ee xisbi ayaan taageeraa, iyada oo aan masuul u ahay oo aan dhex u ahay golaha deegaanka, haddana xisbi ayaan ka tirsanahay, sidaan horaba u caddeeyay, waanan u olalaynayaa habeen iyo maalinba xisbiga Kulmiye ee aan ka tirsanahay, walina laysma gaadhin, muddo xileedkii naloo doortay ee shanta sanno ahaa waa iska gabogabo. adeega aan ummadda u qabanaana kuma koobna xafiiska oo aan fadhiyo, ummadda  waan la kulmaa xafiiskana waan fadhiistaa,”ayuu yidhi Maayarku oo ka jawaabayey su’aal ahayd sababta uu xisbiga KULMIYE ugu ololeeyo.

 

Waxa kaloo uu  ku dooday inaanu hanti ummadeed ugu ololeynayn xisbal-xaakimka waxaannu yidhi;  “Waxaan ku olaleeyaa hantida aan leeyahay ilaa UDUB markii aan ka tirsanaa, waxaan u huri jiray hantida aan leeyahay oo aan ugu ololayn jiray, mabda’ aan qaatanna waan ka dhabeeyaa, hantida ummaddana waa u siman yihiin saddexda xisbi qaran, cidda nagu ilaalinaysaanna waa Illaahay ee maaha kamaradahan aad wax ku duubaysaan, waxaanan u balanqaadaynaa ummadda inaanu  caddaalad ugu adeegayno, maadaama oo quraan gacanta saarnay, laakiin waxaan is barbar taagayaa xisbiga Kulmiye.”

 

Maayarka oo ka hadlayay biyo-yaraan laga soo sheegay Berbera, waxa uu yidhi; “Waligeedba way dhici jirtay marka moosinka xajka xooluhu ka dhoofayaan dekedda Berbera, in biyuhu yaraadaan waxa keenaya, waxa la dhoofiyaa hal milyan oo xoolo ah, waxaana xoolahaasi ka badan yihiin dadka magaalada Berbera ku nool oo waxay biyihii la cabayaan dadkii magaalada, masuuliyada na saarani ma keenayso in aanu nidhaahno wakaaladii biyaha ayaa nalaga wareejiyay oo wasaaradda ayaanu ku eegaynaa, waana in aanu isku garab taagnaa wakaalada biyaha ee Berbera wixii ay nooga baahdaan, waayo ummaddayadii ayaa baahan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply