Maamulka Khaatumo oo Beeniyey in Cali Khaliif ka Baxay Shirkii Axadii ay Somaliland Kula Saxeexdeen Heshiiska

0
428

Hargeysa (Dawan)- Maxamuud Axmed Yaasin oo ka mid ah saraakiisha  maamulka Khaatumo, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar sheegayay  in Cali Khaliif Galaydh uu ka  baxay shirkii wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo ee Axaddii toddobaadkan lagu qabtay  Hudheelka  Safari ee magaalada Hargeysa ee lagu kala saxeexday heshiiska 10-ka qodob ahaa.

 

 

Waxa kaloo uu sheegay in wadahadalka u dhexeeya Somaliland iyo Khaatumo qasdigoodu  yahay sidii loo heli lahaa wax uu ku tilmaamay Somaliland la siman yahay oo lagu heshiiyey. Mr. Maxmuud,  waxa uu sidan ku sheegay waraysi uu shalay siiyay wargeyska Dawan iyo Somnews TV, waxaannu xukuumadda Somaliland ugu baaqay in muddada gaaban ee hadhay ay dardar galiyaan wadahadalka labada dhinac u socda.

 

“Madaxweynaha  Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galayd goobjoog ayuu ka ahaa shirka qoraalkiisii iyo heshiiskiisiiba, kama uu  bixin ergadii  Somaliland ka joogtay teedii ayaa naga joogtay  goobta madaxweynuhuna inuu mar walba fadhiyo shardi maaha, mar haddii masuuliyiintii uu igmaday ay joogaan,”ayuu yidhi saraalkani.

 

 

Waxa uu sheegay in wadahadalka laga doonayo in lagu heshiiyo sidii Somaliland wax u wada yeelan lahayd, waxaannu yidhi; “Wadahadalka  Somaliland iyo Khaatumo waa nidaam socda oo la  rajaynayo in lagu gaadho mustaqbal iyo is afgarasho, walina ma  gaadhin heer dhammaad ah.  Waxaanse  rajeynaynaa in heshiis la gaadho oo wax masiirka ummadda noqdaa  uu ka soo baxo, in la wada heshiiyo  Somaliland waxay u aragtaa danteeda, annaguna Khaatumo ahaan waxaannu u aragnaa dantayada.

 

Waxaannu  doonaynaa Somaliland cusub oo wax wada leh oo samaystay waxay heshiis ku yihiin, dastuurkana  lagu qorto laguna heshiiyo, ciddii ilaalin lahayd waxa lagu wada heshiiyay laga wada hadlo oo meel la wada dhigo si aan bari la iskugu  dulmiyin annaguna diyaar ayaanu u nahay Somaliland-na diyaar ayay u tahay.”

 

Maxamuud Axmed Yaasiin waxa uu xukuumadda Somaliland ku booriyey inay hay’adaha samafalka geyso gobolka Sool oo uu xusay in diiftii abaaruhu wali ka sii jirto, waxaannu yidhi; “Somaliland waxaan leeyahay waxaad sugtaan amniga gobolka Sool, dadku wali kamay soo waaqsan diiftii abaarta waxaan leeyahay Somaliland dadkii iyo hay’addihii dadkan wax siin jiray ha u fasaxdo, dadku waa baahan yahay, waa dhibaataysan yihiine, waa ay soo xaroodeen xoolihiina way ka baxeen.”

 

 

“Xukuumada Somaliland ee hadda jirta wakhtigeeduna gabaabsiga yahay, waxaan ugu baaqaya inay sii dardargaliso wadahadalka  labada dhinac u socda, wixii turxaan ku keenayana inay ka dhowrto. waxaanu annagu heshiis ku nahay ciddii ka soo horjeeda wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo,”ayuu yidhi Maxamuud, isagoo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi;  “Cagalule waxa uu ahaa madaxweyne ku-xigeenkayagii muddo siddeed bilood ahna  wuu  maqnaa, waxaannu ku maqnaa wax lidi ku ah jiritaanka wadahadalka u socday Somaliland iyo Khaatumo, shalay kuwii doortay uun baa xilka ka qaaday, Cagallule waa nin shacabkiisa  ka mid ah. Khaatumo  laba madaxweyne ma laha, ina Cagallule intii uu Khaatumo u soo shaqeeyay waa ku mahadinaynaa wixii uu soo qabtay ee wanaagsanaa wuxuu ku gafayna waxyaabihii xilka lagaga qaaday ayay ka mid tahay, waxaannu ognahay inuu qof shacaba yahay oo aanu ahayn nin xil iyo masuuliyad u haya ummadda.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply