Xildhibaan ka Tirsan Guurtidda oo Naqdiyay Siyaasadda Cabdiraxmaan Cirro

0
404

Hargaysa (Dawan)- Xildhibaan Dayib Xasan Axmed oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Guurtidda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag u naqdiyay guddoomiyaha xisbiga Waddani ahna Murrashaxa xisbigaas Cabdiraxmaan Cirro.

Dayib Xasan wuxuu intaas ku daray in guddoomiyaha xisbiga Waddani uu samayn kari waayay xeerkii lagu soo dooranayay mudanayaasha golaha wakiillada 12-kii sanno ee uu guddoomiyaha ka ahaa golahaas. Waxaannu  ku dooday   in aanu u qalmin Cabdiraxmaan Cirro in loo doorto madaxweyne, maadaama oo uu diblomaasi ka ahaa dawladdii Siyaad Barre wakhtiyadii Somaliland laga xoreeyay rajiimkaas.

 

“Waayo aragnimo ilaa qaaxo ah ayuu wataa Muuse Biixi Cabdi, markaa ninkaa ilaa qaaxo iyo Somaliland dhex taagnaa iyo ninkii markii Somaliland laga xoreeyay taliskii Siyaad Barre diblomaasi ka ahaa Soomaaliya, oo si yar ku helay golaha wakiillada oo uu  guddoomiye ka noqday oo uu 12 sannadood fadhiyey, ilama ah inuu Somaliland Cirro madaxweyne ka noqdo. Maadaama oo uu 12 sannadood ku  samayn kari waayay  xeerkii golaha wakiillada lagu soo dooranayay,”ayuu yidhi Xildhibaan Dayib oo shalay u waramay qaar ka mid ah saxaafaddu.

 

 

 

Waxa kaloo uu Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ku guubaabiyey inuu ka tashado  xisbiga Waddani oo taageeri waayey murrashaxnimadiisii guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee wakiillada, waxaannu yidhi; “Xisbiga Waddani waa la ogyahay inta nin ee ay soo sadqeeyeen, guddoomiye Cirro iyo guddoomiye Faysal Cali Waraabe wixii soo dhexmaray waad ogaydeen, ficilkii ayuun buu sidii u sitaa, nin walba sidii ayuu ula dhaqmayaa, xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo isku sharraxay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee golaha wakiillada waxa uu ka waayay xisbiga Waddani xildhibaan qudha oo teegeera, waxaas Siciid ku dhacayna waxa weeye Saca qowrac wayshu ha ku quusatee. markaa waxaan leeyahay kuwa Waddani ku sii jira Siciid wuu tashan doonaa oo Waddani ayuu sii joogi doonaa ama meeshii dani ugu jirto ayuu tegi doonaaye, waxaan leeyahay ogaada in sidaas oo kale idinku dhici doonto.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply