Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne Ku-xigeenka, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ku amray Wasaaradaha, Ha’yadaha dawladda iyo Guddoomiyayaasha gobolladu inay 10 maalmood gudahood ku soo gudbiyaan waxqabadkoodii muddo xileedkii xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo qodobaysan
Madaxweyne ku xigeenku wuxuu sidaas ku sheegay qoraal ka soo baxay xafiiskiisa 29-kii bishan Ogost, oo uu u kala diray dhammaan wasaaradaha iyo laamaha dawladda oo dhan waxaannu faray inay keenan waxqabadkooda oo qodobaysan.
Qoraalka madaxweyne ku-xigeenka oo xalay lagu baahiyey TV-ga SAAB, waxa uu u qornaa sidan:- “Mudanayaal iyo Marwooyin, Sida aad la wada socotaan waxaa gabogabo ku dhow muddo xilkeedka Xukumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo.
Sidaa darteed, Mudanayaal iyo Marwooyin waxaa laydin farayaa waxqabadkiinii dhammaaday ee bilaabmay July 2010kii ilaa Augast 2017ka, idinka oo ku soo gudbinaaya muddo 10 cisho ah oo ku eg 07.09.2017.”