Cabdiqaadir Jirde oo Hakiyey Guddi uu Magacaabay Cabdiraxmaan Cirro

0
400

Hargeysa (Dawan)-  Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaciil Jirde , ayaa hakiyay guddi u magacabaay  28kii bishan  Murrashaxa  xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), guddigan oo  koobnayd Sagaal waaxood  oo ay ku jiraan 106 xubood kuwaasi oo lagu talogalay dardar gelinta hawlaha doorashada.

 

 

Sidaasna waxa Cabdiqaadir Jirde ku sheegay war-saxaafadeed warsaxaafadeed uu soo saaray shalay oo ku caddeeyey in la hakiyey guddiyadan iyo waajibaadkii loo dirayba. Waxaannu qoraalkiisu u qornaa sidan:- “Kadib markii aan la tashaday Murrashaxa  xisbiga, oo xilligan ku maqan gudashada waajibaadka Xajka, markii aanu isla qaadanay in dib u eegis iyo sixitaan lagu sameeyo guddiyadii la magacaabay, waxa la go’aamiyay in liiskii guddi hawleedkii soo baxay, uu ahaa mid aan dhammaystirnayn, isla markaana qaybo kala  duwani ka dhinayeen, sidaa daraadeed guddidaas waa la hakiyay, mana hawlgalayso ilaa la dhammaystiraayo.”

 

 

Hakinta iyo joojinta shaqo ee guddigan khilaaf iyo saluug ka dhex dhaliyey  Xisbiga Waddani iyo bulshada gobolka Awdal oo si adag uga biyo diiday lix xubnood oo laga siiyey 106 xubnood oo uu hore u magacaabay Murrashaxa  Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), waana sababta keentay in la hakiyo. Sidoo kalena waxa guddiyadan la hakiyey khilaafkii ka dhashay keeneen in wasiirkii hore ee macdanta iyo biyaha Cismaan Sheekh Cabdi uu shalay shaaciyey inuu ka baxay xisbiga ka dib markii  sida uu ku dooday reer Awdal ay saluugeen saamiga laga siiyey guddiyada xisbigu magaacaabay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply