Hay’adda Shaqaalaha oo Shaacisay Maalmo Hawlwadeennada Dawladdu Fasax Yihiin Ciida Awgeed

0
424

Hargasya (Dawan): Hay’adda shaqalaha dawladda jmahuuriyadda Somaliland ayaa shaacisay in maalmaha Sabtida iyo Axada  ee soo socda ay shaqaalaha dawladu fasax ka ahaan doonaan shaqadda,  munaasibadda Ciidul-Adxa    awgeed.

Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Somaliland Sharmaarke  Axmed Muxumed,  ayaa sheegay in Ciidul-Adxa  ay  ku beegan tahay maalinta Jimcaha  ee 10-ka bisha Dul-xaj sanadka 1438-ka ee taariikhda islaamka, isla markaana waafaqsan 1-da bisha  September 2017-ka.

Sharmaarke  Axmed Muxumed, oo shalay  hadal ka jeediyay xaflad tababar loogu soo xidhayay 28 shaqaale cusub ah oo dhawaan ku soo baxay imtixaan ay hay’adda shaqaalaha dawladu ka qaaday, shaqaalahaasi oo ka hawl geli doonna wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska.

Waxaanu yidhi  “Waxaan doonayaa in aan halkan ka iclaamiyo in maalinta Jimcaha oo ah maalin ciidda  in ay fasaxii   Ciidda noqon doonto, labadda maalmood  ee  Sabtida  iyo Axada  oo  Jimcaha ku xigana ay noqon doonaan maalmo fasax,  maalinta Isniinta ahna ay noqon doonto maalin shaqo”.

 

Sidoo  kale guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda waxa uu sheegay in maanta oo Khamiis ah ay shaqaalaha dawladu shaqayn doonaan maalin badhkeed, maadaama oo maalinta Yowmul Carafa ay dadka muslimiinta ah badankoodu Sooman yihiin.

 “Beri (maanta) oo Khamiis ah, oo  yowmul Carafa  oo  dadka intoodda badani ay Soomayaan, waxay shaqaalaha dawladu shaqayn doonaan maalin badhkeed” ayuu yidhi guddoomiye Sharmaarke.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply