Hargeysa(Dawan)- Guddoomiyaha Komishanka Maamul-wanaagga iyo la dagaalanka Musuq-maasuqa Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Jaamac Maxamuud, ayaa ka warbixiyay hawlgalo ay dalka ka bilaabeen oo lagu illaalinayo hantida qaranka xilliga lagu gudo jiro kala guurka.
Waxa kaloo uu caddeeyay inay baadhitaanno ku sameeyeen toban ka mid ah wasaaradaha dalka isla markaana ay wadaan inta u hadhay dhammaan laamaha dawladdana ay wada baadhi doonaan soona diiwaan gelinayaan guud ahaan hantida qaranka ee ma guurtada ah iyo ta guurtada ahba, si loo illaaliyo hantida qaranka oo aanay u dhicin in wax la lunsado.
Guddoomiye Axmed Jaamac waxa uu ka dayriyay in musuqa hantida ay ka xun tahay saacadaha shaqada qaranka oo dayacan ama aan sidooda loo fulin taasoo uu dooday in ay tahay halka dhibaatadu ka jirto.
“Horta anigu muddo kooban oo saddex bilood ah ayaan xafiiska joogay markii aan a wareegay xafiisku qorshe cad oo shaqo oo uu ku hawlgalo muu lahayn, waxyaabaha ugu badan ee uu hore u soo qabtayna waxay ahaayeen kormeerro ay dalka ku soo samayn jireen laamaha dawladda ee kala duwan,laakiin wax cad oo shaqaaluhu uu ku hawlgalo iyo nidaam ay raacaan muu jirin,”ayuu yidhi guddoomiyaha oo xalay u waramay Wargeyska Dawan.
Guddoomiyuhu waxa uu faahfaahiyey talaabooyinkii uu qaaday, waxaannu yidhi; “Markaa taalaabadii ugu horraysay ee aan ku dhaqaaqay, waxay ahayd in uu jiro nidaam shaqo oo ah mid ka turjumaya baahidii komishanka loo aasaasay oo ah maamul-wanaag iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, qorshahaasi markii uu noo dhammaadayna waxaan uga gudubnay in aanu shaqadii aanu qaranka u haynay in aanu bilawno oo halkii markii hore komishanku uu kormeer uun ku tegi jiray laamaha dawladda in aanu baadhitaanno toos ah ka samayno.
Waxaan imika soo dhammaynay baadhitaannada toban wasaaradood oo aanu shaqo badan ka soo qabanay waxyaabihii aanu ka soo qabanay iyo xaaladaha ka jirana warbixinteeda waxaannu u gudbin doona madaxweynaha. waxa kaloo aanu wadnaa in aanu bacda ciidda gudagalno oo aanu dhammaan gobollada dalka oo dhan laamaha dawladda baadhitaanu ku soo samayno kuwa dawladda dhexe iyo kuwa dawladaha hooseba.”
Guddoomiyaha oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in wasaaradaha ay soo baadheen in ay ku soo arkeen musuq iyo inkale waxa uu yidhi; “Horta dadkeennu Musuqmaasuqa waxay u yaqaanaan hanti la xado iyo lacag la lunsado, laakiin waxa jira wax ka qaalisan oo haddii la musuqmaasuqo aan laga soo kaban karin dalkana hoos-u-dhac laxaad leh ku keenaya taasoo ah wakhtiga shaqada oo la xado ama aan siday tahay loogu adeegin dadka, waana musuqmaasuqa ugu weyn ee aan odhan karo wuu jiraa.waxaynu u baahan yahay in wax laga qabto shaqadu xilli ayay leedahay oo qofku qaranka u shaqeeyaa. haddii xafiiskiiba cidla noqdo oo dadkii cid u adeegta ay waayaan maxaa inoo soconaya?, markaa ka aanu doonayno in aanu la dagaalanaa waa musuqmaasuqa wakhiga shaqada.”
“Waxaad arkaysaa wasaarado dhan oo xafiisyadeediiba madaxdii dadka u shaqayn lahayd aanay joogin. waxaad arkaysaa dawladihii hoose oo dadkii ay faylal la taagan yihiin oo cid u shaqaysaba ay waayeen dadkiinna cashuur ayaa laga doonayaa. markaa arrintaas ayaanu xoojinaynaa in wax laga qabto.
Waxa kaloo loo baahan yahay in tababarro xirfadeed oo badan oo hawlwadeennada dawladda dhinaca xirfada laga dhisayo,”ayuu yidhi Axmed Jaamac, waxaannu intaas ku daray; “Waxa kaloo aanu wadnaa in aanu dalka oo dhan ka wada hawlgallo oo aanu dhammaan hantida qaranka diiwaangelino isla markaana ka hortagno in ay dhacdo wax lunsi ah xilliga kala guurka waxyaabaha aanu diiwaan gelinaynaana waa dhammaan hantida qaranka ee ma guurtda ah iyo ta guurtada ahba. waxaan soo saari doonnaa dhammaadka bisha September qoraallo rasmi ah oo aanu ku diiwaan gelinay hantida qaranka ee ma guurtada ah iyo ta guurtada ahba oo ay ka mid yihiin waxyaabaha ugu yar yare e xataa xafiisyada yaalla si xilliga kala guurka aanay u dhicin in wax la lunsan karo waxaanan awoood badan saaraynaa in dhammaan gaadiidka dawladduna uu noqdo mid wada leh summadda gaadiidka qaranka ee GT oo aanay jiri karin in lambar shicib baabuur dawladeed la iskaga wato.”
Dawannews Hargeysa office