Axmed Yaasiin oo Ceeb ku Tilmaamay Haddii WADDANI Sheegto Doorashadiisii

0
395

Hargaysa (Dawan)-  Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa sheegay in xisbiga Waddani ay ceeb ku tahay sheegashada in ay door ku lahaayeen doorashadii lagu doortay guddoomiye-nimadiisa, waxaannu  ugu baaqay dadweynaha gobalka Awdal in ay u coddeeyaan xisbiga Kulmiye.

Axmed-yaasiin  wuxuu sidaas ka sheegay   hadal uu  shalay  u  jeediyay  taageerayaasha  xisbiga Kulmiye ee magaalada Boorame oo  soo dhaweyn ballaadhan ku qaabilay wefti uu hogaaminayay madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo halkaas socdaal ku tagay, waxaannu xusay in xisbiga Kulmiye dagaal adag u galay sidii  uu u noqon lahaa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha wakiillada, waxaannu  u soo jeediyay dadweynaha gobalka Awdal in ay codkooda siiyaan xisbiga Kulmiye.

“Waxaad maanta noogu soo dhawayseen guul taariikhiya oo aad in badan tabayseen,  oo gacanteena soo gashay oo Illaahay inoo suura galiyay  oo aynu ku guulaysanay mid ka mid ah kuraasta dalka ugu awooda badan, taasaad u soo baxdeen, nagu maamusaysaan, umad goba ayaynu nahay oo waxa loo galo yaaqaan, in badan ayaynu ka hadlaynay  in aynu qayb ka noqono  hay’ad kasta oo dawlada ka mida  oo aynu waxeena ka helno,  dad kala garan-kara ayaynu nahay ninka u xiiraya iyo ninka u xoqaya,  nin ganay iyo nin galaday libaax kala og ayaa la yidhi,  aqlabiyada  aad u dabaal dagaysaan xisbigaa Kulmiye  ayaa iska lahaa, iskuma qaldana.  waxa aan soo dhawaynayaa taageerada ay xisbiyada mucaaradku ii fidiyeen, ana waxa aan balan qaadayaa in aan caddaalad ugu shaqeeyo, inta aan golaha wakiilada hogaaminayo,  marka aan banaanka u baxo waan u madax-bannaanahay siyaasada aan taageersanaha. taasina ceeb maaha, iigumana horrayso ee guddoomiyihii hore ee golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)  ee labo iyo tobanka sanno golaha maamulayay, marka uu bannaanka u baxana xisbigiisa Waddani ayuu u olalaynayay, markaan guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee golaha wakiilada ahay, codkiina iyo karaamadiina ayaa laygu doortay, markaan banaanka u soo baxo xisbigii  ii  halgamay in aan u olaleeyay  oo   guusha la hantaa ma ceebaa,”ayuu yidhi Axmed-yaasiin.

 

Waxa kaloo uu intaas ku daray  in  hindisaha in uu noqdo  guddoomiye ku xigeenka koowaad  ee golaha wakiillada ay lahaayeen madaxweynaha Somaliland, madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye, waxaannu   yidhi “Xisbiga  Kulmiye ee aan ka tirsanahay waxa uu dagaal u galay, waxaana curiyay in gobalka Awdal uu helo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada   iyadoo anaan ka dalban  madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, iyaga ayaa go’aamiyay oo iila yimid in guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada aan noqdo, ma gob ayaynaan ahayn, ma dad garaadleh ayaynaan ahayn, in uu yidhaahdo xisbigii ila dagaalamayay anaga ayaa dooranay, markaan ka adkaanay xisbiga Waddani in ay yidhaahdaan anaga ayaa dooranay, iyagana waa ku ceeb, inagana caqligeenna ayay caayayaan, guushii ay la dagaalamayeen in ay sheegtaan ceeb ayay ku tahay, waxaan marti idiinka nahay siyaasada aan idiku jihaynayo oo aad codkiina siisaan xisbiga Kulmiye, ee aan u aragnay in dantiinu ku jirto, ninka go’aanka cad leh ee Muuse Biixi Cabdi ee run mooyee been looga baran,  ama waynu is dili Muuse Biixi ama wax baynu wada qabsan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply