Bam Dagaalkii Labaad ee Dunida la Ridey oo lagu Guuleystay in la kala Furfuro

0
437

Khubarada ku xeel dheer bamamka ee magaalada Frankfurt ayaa ku guuleystay inay dadka ka samata bixiyaan bam weyn oo aan qarxin oo ka soo hadhay dagaalkii labaad ee dunida, sidaasna waxa ku dhawaaqey saraakiishii howsha qaabilsaneyd.

Warkan ayaa waxa si weyn u soo dhaweeyay dad gaadhayay ilaa   65,000 oo qof oo laga daadgureeyay aaggaasi si ay khubaradu awood ugu helaan in ay si nabad ah u kala furfuraan bamka.

Dad badan ooh ore looga raray deegaankaasi ayaa haatan sugaya oggolaansho ay dib ugu noqdaan guryahoodii.

 

Tobannaan kun oo qof oo ay ku jiraan bukaano lagu hayay isbitaallada magaalada Frankfurt ayaa waxaa laga daadgureeyey magaaladaasi, taas oo noqonaysa middii ugu ballaadhneyd tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Goobaha dadka laga daadgureeyay waxaa sidoo kale ka mid ahaa isbitaalada iyo dhismaha Bangiga Dhexe ee dalkaasi Jarmalka oo ay yaalaan tobannaan bilyan oo doolar oo dahab ah.

Dadka bukaanka ah ee ku jiray qeybaha xaaladda deg degga ee isbitaalada ayaa ahaa dadkii ugu horreeyay ee halkaa laga saaro.

Gudaha dalka Jarmalka waxaa daadsan boqolaal kun oo ah bambooyinka gantaalo cul-culus oo aan qarxin, kuwaasi oo loo adeesanayay Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Khubarada ayaa waxa ay sheegayaan in ay tobannaan sano qaadaneyso in dhammaan walxahaasi qarxa laga saaro dalka Jarmalka.

Bamkan sababay in dadka laga daadgureeyo guryahooda ayaa xilligii Dagaalka Labaad ee Adduunka waxaa halkaa ku tuuray diyaaradaha ciidamada cirka ee dalka Britain.

Horraantii usbuucan ayaa si lama filaan ah waxaa bamkan laga helay goob ku taala Jaamacadda Frankfurt oo uu dhisme ka socday.

Bishii la soo dhaafay ayaa lagu qasbanaaday in la daadgureeyo carruur yar yar oo dhiganayay iskuul kaddib markii macalin uu halkaa ku arkay labo bam oo aan wali qarxin.

Boolisku waxa uu sheegay in arday ka mid ah ardayda iskuulka ay bambooyinkaasi soo qaadeen oo ay iskuulka dhex keeneen.

Leave a Reply