Maayarka Dunida Ugu Yaabka Badan!

0
389

Magaalada  Talkitna ee Gobola Alaska ee dalka Maraykanka waxa muddo ka badan 15 sano Maayar ka ahayd Bisadda lagu magacabo Stubbs.  Bisaddan ayaa loo doortay Maayarka magaalda sanadkii 1997.

Dadka Magaaladan degan ayaa sheegay in mansabka Maayarka ay ku sharfyaan xayawaanadooda, waxaana bisadda Stubbs kula tartamay xayawaano kale oo ay kaga guulaystay.

Magaalada ayaa soo jiidatay dalxiisayaasha, kuwaasi oo si maalinle ah ula kulmayay maayarka Bisadda Stubbs  iyadoo sharaab kala duwan hor yaalaan oo cabaysa iyo cuntooyin kale. Waxayna ka qaateen sawiro kala duwan. Magaalada ayaa dakhli badani ka soo galaa dalxiisayaasha soo booqda maayarka.  Hawlaha maamul waxa fuliya golaha deegaanka magaalada iyo ku xigeenka Maayarka Bisadda ah,. Wakhtiyada shiraraka maayarka xubin sharafeedka ayaa goob jooga loo keena.

Leave a Reply