Macalimiin Beeniyay in Mushaharooyinku ka Habsaameen

0
382

Hargeysa (Dawan)- Xubno ka mid ah macalimiinta dugsiyada magaalada Hargeysa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inay mushaharooyinkoodu dib uga dhaceen wakhtigii ay qaadan jireen, kuwaas oo sheegay inay qaataan intaanay bishu dhamaanin.

Macalimiintan ayaa sidoo kale sheegay inaanay dhicin mushaharooyin isku gaadha  tan iyo mudadii ay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo talada dalka haysay, isla markaana tilmaamay inay wakhtiyadii hore mararka qaar mushaharooyinkooda aanay arki jirn dhawr bilood, balse imika ay qaataan ugu danbayn 25-ka bisha.

Macalimiinta oo warbaahinta la hadlay iyagoo ku sugan xarunta wasaaradda waxbarashada oo maalintii shalay ay ka qaadanayeen mushaharooyinkooda ayaa wasiiradda wasaarada maaliyadda Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Waxbarashada Cabdilaahi Dheere ku amaanay kaalinta ay ka gaystaan marwalba arrimaha waxbarashadda, kuwaas oo ay ku sifeeyey masuuliyiin taariikhdu xusi doonto.

Macalimiinta ayaa axsaabta mucaaridka ugu baaqay inaanay siyaasadaynin arimaha macalimiinta iyo ciidamada oo ay ku tilmaameen arrimo aanay haboonayn in lagu kaambayn gareeyo, kuwaas oo ay u soo jeediyeen inay iska dheereeyaan hadalada deelqaafka ah ee aan xaqiiqada ku salaysnayn.

Ugu horayna waxa halkaasi ka hadlay Mawliid Cabdilaahi Cabdi (Gaas) oo ah macalin wax ka dhiga dugsiga sare ee Warancade ee xaafadda New Hargeysa, waaxana isagoo ka hadlaya mushaharooyinka xiliga ay qaataan iyo eedo wasaaradda waxbarashada iyo xukuumadda uga yimid xibsiga Waddani oo isagu xukuumada ku eedeeyey inaan macalimiinta mushaharooyinka la siinin xiligii ku munaasibka ahaa, waxa uu yidhi “Barigii hore mushaharooyinka waxa aanu ku qaadan jirnay A, B, C, mararka qaar waxa dhici jirtay in marka ay mushaharooyinka qaataan group A inay labada group ee kale mushaharadoodu u dhici jirtay bisha kale, waxa aanu soo marnay wakhti ay mushaharooyinku naga maqnaadaan dhawr bilood, imika mushaharo naga maqnaata iska daaye, waxa aanu mararka qaar qaadanaa 25-ka bisha, arrintaasi waan ku amaanay xukuumadda, waxaanan qabaa inay tahay xukuumad lexejeclo badan oo macalilimiinta iyo askartaba ka horaysiisa dhamaan shaqaalaha dawladda oo dhan”.

Macalin Mawliid isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaas raaciyey “Waxaan arkayey eedo xisbiga Waddani ku eedaynayo xukuumadda oo uu leeyahay mushaharooyinkii macalimiinta, waxaan ugu baaqayaa madaxda Waddani inaanay tartanka ku galin borobogaando aan xaqiiqo ahayn, sababta oo ah arrintaasi waa wax aan run ahayn oo aan sal iyo raad toona lahayn, waxaanan markale leeyahay mudadii ay xukuumadda Kulmiye talada haysay may dhicin in mushaharooyinku wakhtigoodii dhaafaan, waliba mudadii ay wasiirka maaliyadda ahayd Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyadu dadaal badan ka gashay arrintaasi wakhtigan iyo wakhtigii ay wasiirka waxbarashada ahaydba. Waxa kale oo isgana aan halkan uga mahadnaqayaa wasiirka waxbarashada md Cabdilaahi Dheere oo isaguna ah shaqsi mudadii uu joogay dadaal badan la yimid”.

Cumar Yuusuf Muxumed (Cumar Pepsi) oo isaguna wax ka dhiga Dugsiga Hoose Dhexe ee Axmed Cali Toor  (Ex Malko-Durduro) ayaa ka hadlay dareenkiisa ku aadan xiliga ay mushaharooyinka qaataan, waxaana uu hadalkiisa ku bilaabay “Run ahaantii marka xaqiiqada laga hadlo mudooyinkii u danbeeyey waxa aanu mushaharooyinka qaadanaa bisha oo ay ugu yaraan todobaad ka hadhsan tahay, maalinta aanu is nidhaahno way raagtay mushaharadu waa maalinta aanu qaadano 25-ka bisha ma 26-ka bisha.

Waxa aan arrintaasi ku amaanayaa xukuumadda xisbiga Kulmiye gaar ahaan wasiiradda maaliyadda iyo waxbarashada iyo waliba madaxda baanka oo iyagu dadaalkaasi iska leh, isla markaana muujiyey masuuliyad aad u wayn”.

Dhinaca kale wasaaradda maaliyadda ayaa iyadu marwalba xooga saarta inay ciidamada iyo macalimiintu mushaharooyinkooda qaataan intaanay bishu dhamaanin, taas oo aan badanka dhici jirin markii hore, isla markaana ah arrin muujinaysa mihiimada ay xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo siiso markasta macalimiinta iyo ciidamada oo  iyagu kaalinta ugu mihiimsan kaga jira qaranka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply