‘Waxay aynu Leenahay Qaran Ahaan Jaamacadaha Mandaqada ugu Qiimaha Badan’

0
418

Hargeysa (Dawan )  Wasiirka Wasaaradda  Madaxtooyada, Md.  Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sheegay in qaran ahaan ay Somaliland ku guulaysatay inay samaysato jaamacadaha ugu qiimaha badan mandaqada.

 

Wasiirku wuxuu sidaas ku sheegay hadal uu ka jeediyay xafladii qalinjabinta jaamacadda Golis ee fareecada Hargeysa shalay, waxaanu yidhi;  “ Waa maalin aad u weyn, oo qiimo weyn qarankeena ku leh maadaama ay intaas oo aqoonyahan aynu maanta wan-qashoodii fadhino qarankan waa maalin ku weyn, aqoon weyn ayaa dalkan ku soo korodhay saaka, wiigan oo dhana waxaynu ku jirnay, qalinjabinihii Jaamacadaha qaranka taasi waxay muujinaysaa bulshada Somaliland iyo qarankani siday hodanka u yihiin. Aduunku wuxuu isku dhaafaa waa aqoonta Aadamaha ama Human resource-ka, baad-na waa la helaa biyana waa lala soo baxaa, hasayeeshee aqoontu wax sahlana maaha. Jamhuuriyadda Somaliland isbedel weyn ayaa ku dhacay muddadii 26 sano ahayd ee aynu qarankan yagleelnay, maanta waxaynu fadhinaa xafladii qalinjabinta da’ yar aan xiligii qarankan la aas-aasay dhalan ama xiligaas dhalatay, waa fuf iyo beer, qiimo weyn ayey inoo tahay, waa horumar.”

 

Wasiir Xaashi wuxuu ku dooday in toddobadii sannadood ee u dambeeyay ay  kordheen ardayda jaamacadaha dhigtaa, waxaanu yidhi;  “Todobadii sanno ee xukuumadda xisbiga KULMIYE ee madaxweyne Siilaanyo qaranka madaxda ka ahaa xoog bay u korodhay ardayda jaamacadaha dalka ka qalinjabiyaa, sadex laab ayey kordheen, xogtoodiina waynu haynaa, iskamay iman arrimahaasi, waxay ku timid dadaalka ay ardaydani la yimaadeen waxay ku timid himilada iyo hamiga waalidka, waxay ku timid qorshada qaranka ee Xukuumadda Xisbiga KULMIYE ay diyaarisay, iyo adeegyada waxbarashada ee ay diyaarisay ayey ku timid.”

 

“Waynu guulaysanay qaran ahaan, dhammaanteenba waynu guulaysanay, waxay aynu maanta leenahay Jaamacadaha mandaqada geeska Afrika ugu qiimaha badan, Golis waa ka mid, todoba sano ka hor qaabka ay maanta u taal iyo faracyada ay gobollada dalka ku samaysay may lahayn, maantana meel walba farac ayey ka furtay, waannu ku bogaadinaynaa oo ku hambalyeynaynaa Guddoomiyaha silsilada jaamacadaha Golis Prof. Saciid Axmed Xasan,  waxaanu ku bogaadinaynaa haldoorka iyo aqoonyahanada la shaqeeya himilo weyn ayuu qarankani keenay oo uu xaqiijiyey,”ayuu yidhi Wasiirku. Waxaanu intaas raaciyay;  “Waxa waxbarashada Jaamacadaha kordhiyey oo qiimo weyn u yeelay todobadaas sano, waxa Xisbiga KULMIYE Xukuumadiisii Axmed Siilaanyo madaxda ka ahaa waxay dhisatay oo aannu xooga saarnay dugsiyadii sare tayadoodii, waxaannu xoog saarnay, dugsiyadii hoose dhaxe, waxaanu kordhay macalimiintii wax dhigayey iyo dhismayaashii, way yartay maanta meel aan dalka Iskuul lahayni.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply