Gabadhii Ugu Taajirsanayd Adduunka Oo Geeryootay

0
377

Liliane Bettercourt oo ahayd gabadhii ugu taajirsanayd caalamka ayaa geeryootay, iyada oo da’ahaan jirtay waqtigan 94 sanno , waxaanay sidoo kale kamid ahayd dadka ugu taajirsan caalamka oo ay kaalmaha hore kaga jirtay.

Gabadhan ayaa ahayd mulkiilaha shirkadda lagu magcaabo L’Oreal , shirkadaasi oo soo saarta Kabaha iyo waxyaalaha ay dumarku isticmaalaan ee Isku qurxiyaan, waxaanay in muddo ah kusoo jirtay ganacsiga alaabooyinkaasi.

Waxaana geerida gabadhaasi u xaqiijiyey warbaahinta Agaasimaha shirkaddaasi L’Oreal oo lagu magcaabo  Jean Paul Agon, isaga oo sheegay in uu adduunka ka tegey qof shirkaddan u ahaa udub dhexaad, wax badana u huray intii ay jirtay.

Gabadhan ayaa hantideeda lagu sheegay inay gaadhaysay ilaa $40 Bilyan oo Dollar,sida lagu sheegay warbixin wargeyska Daily Mail ka sameeyey haweenaydan, waxa kale oo uu intaasi ku daray in xisaab xidhkii ugu dambeeyey ee lacagta gabadhaasi lagu sameeyo sannadkan aan weli lasoo saarin.

Gabadhan ayaa sidoo kale ahayd qofka 14-naad ee ugu taajirsan adduunka , iyada oo kusoo dhowaatey rag badan oo caalamka maalqabeenadiisa kamid ah.

Shirkaddan ayaa la aas aasay sannadkii 1909-kii, waxaana aas aasay gabadhan geeryootay aabeheed , iyada oo muddo yar oo kooban caan ka noqotay caalamka, qabsatayna suuqa iibka ee waxyaalaha laysku qurxiyo, gaar ahaana waxyaalaha ay dumarku isticmaalaan.

 

Leave a Reply