Boqorradii Dhakhatarada Ahaa

0
352

Qarniyadii dhexe ilaa intii laga soo gaadhayay qarnigii 19aad Boqorada Ingiriiska iyo ka Faransiiska waxa la aaminsanaa inay leeyihiin awood ay ku bogsiin karaan xanuunada qaarkood kuwaasi oo dadka qaba ay dawayan jireen.

Xaqiiqdii sheegashadaasi waxay ahayd mid yaab leh, maxaa yeelay waxay awoodeen inay daweeyaan xanuunka ku dhaca maqaarka iyo xanuunka beer xanuunka (Jooniska) fudud , oo wakhtigaasi aan wax badan laga aqoon.

Xanuunka ku dhaca maqaarka sida boogaha ka baxa wejiga iyo gacmaha ama bararka jidhka iyo maqaarka sare ku dhaca ayay dawayn jireen.

Inkasta oo daawoyinkaasi muujiyeen inay boqoradu awoodaan inay daweeyan dadka xanuunadaasi qaba,  haddana Nasiib daro qaabka ay u adeegsan jireen xanuunada iyo dawooyinkii ay isticmaali jireenba si fudud ayay u lumeen, ka dib markii ay iyaga keligood isku koobeen oo aanay jirin cid la garanaysay daawooyinka iyo qaabka ay adeegsan jireen.

 

 

Leave a Reply