Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore oo ugu Baaqay Xukuumadda Inay Xakamayso Sicir-bararka ka Jira Dalka

0
365

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ugu baaqay murrashaxiinta saddexda xisbi qaran, kii  ku guulaysta doorashada madaxtooyada ee fooda innagu soo haysa, inuu abuuro aasaaska dhismaha   ciidammada cirka oo tayo leh, si ay u difacaan qarannimada iyo hawada sare ee dalka.

 

Axmed Yuusuf waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda dalku ku jiro iyo sicir bararka xadhkaha goostay ee maalinba maalinta ka danbeysa kor u sii kacaya.

Madaxweyne ku xigeenkii hore waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyay Wargeyska Dawan iyo telefiishanka Somnews TV, waxaanu masuuliyiinta asxaabta siyaasadda u soo jeediyay in loo haneeyo oo ay hambalyeeyaan xisbiga ku guulaysta doorashada.

“Doorashadani waa mid saamaynaysa mustqabalkeenna, waxaynu soo galnay doorashooyin fara badan, aftidii  dastuurka loo qaaday wakhtigaa xildhibaan ayaan ahaa oo si wanaagsan ayaa loo fuliyay, xeerar badan oo lagu hanaqaadayna waa la sameeyay, oo dastuurkii ayaa la kaabay, ninka masuulka ah ee tartamaya waxa uu u tartamayaa inuu waddankan hoggaamiyo, kursiguna laba ma qaado ee mid uun buu qaadayaa.

Masuulka laga helanaa waa inuu qanco oo tahniyadeeyo, waa mid waajib ah, sababta oo ah marka horeba waxaad ku tartameysay waa amaano aanad lahayn oo Illaahey kaa xil furtay, waxaana la yidhaaha Illaahow ii door, intaas oo doorasho ayaa dhacay oo wax khilaafi muu dhicin, annaguna markii nalaga helay waanu tahniyadeynay. waayo waxaan arkayaa xanaf badan oo ay dhallinyaradu samaynayso kuna saleysan qabiil,” ayuu yidhi Md. Axmed Yuusuf Yaasiin.

Waxa kaloo  uu xukuumadda Somaliland u soo jeediyay in ay dabar iyo xakame u samayso salaadiinta dhaqanka ee dalka ku soo badanaya maalinba maalinta ka dambaysa, waxaannu yidhi “Waxaan xukuumadda ugu baaqayaa, Salaadiintii way bateene in ay marka hore dabar u samayso salaadiinta, dawlado badan oo ay sidaasi ugu bateen, dabar ayay u yeeleen.”

 

“Salaadinta waxaan leeyahay waxaad tihiin dhaqankii iyo meeshii loo iilan lahaa haddii ay wax yimaadaan ee ka garnaqi lahaa, dhab ahaan anigu waan ka xumaaday salaadiintii Boorame tagey iyo salaadiintii Burco tageyba, qof waa loo ololeyn karaa, laakiin in warbaahinta laga dhawaaqo ma wanaagsana, dhallintana waxaan leeyahay wiilka maanta qabyaalad ku ababay, berri waddan ma hoggaamin karo. markaa waxaan leeyahay bahashaa qabyaalada ah ha soo nooleynina,” ayuu yidhi Axmed Yuusuf.

 

Madaxweyne ku xigeenkii hore waxa uu sheegay in dalku marayo marxalad wanaagsan, waxaanu tilmaamay  in loo baahan yahay in laga dhawro xanafta iyo waxyaabaha dhibka u keenaya, waxaanu yidhi “Waddankeenu meel wanaagsan ayuu maraya xanafta halaga saaro, murrashaxiintana waxaan leeyahay cod ayaad nagu leedihiin ee inaanu dhiig idiin daadino naguma lihidin. Sababta oo ah ninka qof dila waxaa ka daran ninka fidmo kiciya, Illaaheyna waa uu nacdalay, waddankana dhallinyaro ayaa leh ee in laga carsha carsheeyo maaha.”

 

“Sarifka amase shilinka waxa qiimo u yeela dadka leh, markaa waa in aynu innagu ciseynaa shilinkeena, xukuumadda Somaliland-na waa inay baanka u daysaa inuu gacan ku yeesho doollarka. markaa haddii baanku shaqeyn waayo oo qasnad noqdo, sicir bararkii waa ina daanweyne, teeda kale lacagta la soo daabacayo hala xadido, xukuumaddu waxa ay soo jeedisay inaan Zaadka boqol dollar wax ka yar aan la galin karin, markaa lacagteenii inaga ayaa baabiinay, qodobadii la soo jeediyay intaydaan meesha ka tagin, waa in aydun sicir-bararka afka dhulka ugu dhufataan, ee maaha in aad gadhka u lushaan ganacsato shilinka  raadinaysa, bulshada Somaliland-na waxaan leeyahay shilinkiina qiimeeya” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin, waxaanu intaa ku daray “Xukuumada soo socota waxaan u soo jeedinayaa, inay xooga saarto laba shay, in biyaha la qabto iyo in ciidamadii cirka la sameeyo, lana xoojiyo, haddii aanad cudud milateri lahe]ayn lagaa heybeysan maayo, cid waliba na wey kugu soo dheereyneysaa, waxaaneynu ku jirnaa wakhti kala guura oo khatara oo aan leeyahay dadka Somaliland-na indha dheer ha yeeshaan, doorashadana Illaahey si wanaagsan heynooga saaro, nin walowba ninkaad dooneyso u code, laakiin in dhiig loo daadiyo oo wax la qaso ma dooneyno, intaas oo jeer ayaa la qaxay oo wax waliba baaba’een, maanta diyaar looma aha in wax dhacaan.”

Axmed Yuusuf waxa uu intaas ku daray “Xukuumadan waxyaabaha lagu xusuusan doono waxa ka mid ah, hirgalinta derajada ciidammada iyo kordhinta mushahaarooyinka, inkasta oo uu hoos u dhigay sicir bararka wadanka ka jiraa, markaa waxaan leeyahay xukuumadii timaada ha lala shaqeeyo, ninka madaxweyne uu doortay caaya, isaga ayaa is caayay, madaxweynaha aad dooratay, waxa saaran karaamadii ummada oo codkii umada ayuu haystaa. warbaahintana waxaan leeyahay joojiya wixii xanaf leh, waxaanan filayaa in doorasho fiicani inoo dhacayso, sababta oo ah dadka waa la diwaangaliyay, qoladiina koomishanka waxaan idin leeyahay go’aankiinu mid adag ha ahaado.”

Waxa kaloo  uu ka hadlay saamaynta uu Somaliland ku leeyahay saldhiga millatari ee dawladda Turkigu ka dhisatay dalka Soomaaliya, waxaanu yidhi “Saldhigaasi saameyn wuu innagu yeelanayaa oo ciidan ayaa lagu tababarayaa, walaalaheena wali meel maynaan dhigin oo hubkii waa uu inaga xidhan yahay oo waa la xoojinaya, markaa inaguna waa in aynu tashanaa, haday noqoneyso inaynu keeno quwad kale iyo haday tahay in aynu ciidankeena xoojinaba, haddii ay tahay inaynu tababaro galno, waxa inala gudboon rag wixii la gudboonaan jiray, ragga Xamar u afduuban ee leh dhawr siyaasi ayaa afkaartii Somaliland haysta oo sidii ay doonaan u maamula, maaha sidaasi. lixdankii Somaliland waxa ay koonfur ku tagtey dadka ayaa doonayay oo mawjado ahaa, markii cudud milatari Somaliland lagu burburiyayna shacabka ayaa goostay inay la soo noqdaan qarannimadooda, markaa maanta ninka Xamar jooga ee nin kale iska dhisaya, waxaan leeyahay bal afti ha la qabto in afar siyaasi wataan iyo in shacabku wato Somaliland, Turkigana ha lala hadlo oo mawqifkiisa ha la ogaado, inaguna ciddii ciidankeena dhisaysa waa in aynu keena oo aynaan cidna ka heybadaysan ,marka la doonayo in ninku ku dilo ee laguu xoojiyo, adna aad u fadhido, adaa doqona, markaa nimanka halkaasi ku afduuban waxaan leeyahay dalkiina iyo dadkiina hoos u eega.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply