D/Hoose Hargeysa oo Soo Bandhigtay 12 Waddo oo ay ku Hagaajiyeen Muddo Gaaban

0
340

Hargeysa(Dawan)- Maamulka Dawladda Hoose ee Caasimadda, ayaa soo bandhigay casriyayn iyo dayactir ballaadhan oo ay ,ku sameeyeen 12 waddo oo muhiim ah oo ku yaalla magaalada Hargeysa oo ay labadii bilood ee u dambeeyay hagaajiyeen oo dadweynuhu ku ammaaneen.

 

Xoghayaha Dawladda Hoose Hargeysa, Cali Xasan Cawaalle ayaa sheegay in horu-socodkan ay ku ammaan wadajir u qabteen maamulka caasimadda iyo Golaha degaanku. Waxaanu sidaas ku sheegay qoraal uu xalay ku baahiyay bartiisa facebook, waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:-

 

“Iyadoo ay jiraan waxqabad iyo horumar la taaban karo oo ay hore iyo haddaba ugu talaabsatay D/hoose ee Hargeysa oo aanan halkan ku wada xusi karin, Waxaan halkan ku xusayaa horumarka dhinaca waddooyinka ee ay fuliyeen maamulka D/hoose ee Hargeysa  iyo Golahooda Degaanku.

Maamulka D/hoose ee Hargeysa iyo Golaha Degaanku waxay fuliyeen dhismayaasha waddooyinka halbawlaha ah ee caasimadda.

Haddii aynu eegno labadii  bilood ee u danbeeyay ee sannadkan 2017, waxay D/Hoose  ee Hargeysa hirgalisay dhismaha waddooyinkan hoos ku xusan kuwaas oo qayb muhiima ka qaatay adeegyadii bulshada iyo isu socodka magaaladan caasimadda ah. Waana kuwan hoos ku xusan:-

  • Dhismaha Waddada hormarta Maxkamadaha.
    2- Dhismaha Jidka hormarta xarunta laanta danbi baadhista
    3- Dhismaha Waddada u baxda State houska.
    4- Dhismaha jidka  isgoyska hormarta guriga madaxweyne
    ku-xigenkii hore Axmed Yuusuf Yaasin
    5- Dhismaha laamida  weyn ee halbawlaha ah ee daba marta
    dhakhtarka weyn  oo la gaadhsiiyay ilaa tiyaatarkii Hargeysa.
    6- Dhismaha waddada isgoyska Deero Mall.
    7- Dhismaha laamida Togdheer illaa  isgoyska baar Hargeysa
    8- Dhismaha waddada isgoyska hormara dugsiga Sheekh
    Bashiir
    9- Dhismaha waddada isgoyska khayriyada Hargeysa
    10- Dhismaha waddada hormarta jaamacada Hargeysa
    11- Dhismaha waddada Ex Ina Naxar.
    12- Dhismaha Waddada halbawlaha ah ee hormarta
    Dhakhtarka Edna Aadan.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply