Xisbiga UCID oo Maanta Bilaabaya Ololihiisa Doorashada Madaxtooyada

0
373

Hargaysa (Dawan)- Ololaha doorashada madaxtooyada ee waddanka ka qabsoomaysa 13ka November 2017, ayaa Sabtida maanta ka bilaabmaya gobollada iyo degmooyinka Somlailand. Kaltanka ololahan  oo socon doona muddo 21 maalmood ah,  waxa bilaabaya xisbiga UCID. siday shaaciyeen komishanka doorashooyinku.

Ololahan  maanta bilaabmaya waxa la soo gabogabayn doonaa  10 bisha November ee soo socota,  waxaanay saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI uu maalin walba xisbi dalka oo dhan ku soo bandhigi doonaa ololihiisa doorashada. Waxa xisbi kastaa yeelan doonaa 7 maalmood.  Komishanka doorashooyinka ayaa  u dejiyay ololahani shuruudo loo baahan yahay in aanay xisbiyadu ka gudbin, kaasoo ah in isu soo baxyadooda ay xisbiyadu ku qabsan doonaan fagaareyaasha magaalooyinka laga bilaabo 6 subaxnimo ilaa 6 makhribnimo, Isla markaana ay  sii wadan karaan ilaa 12:00  habeennimo.  Sidoo kale komishanka doorashooyinku waxay uga digeen xisbiyada in aanay ka ololayn karin goobaha ay ka mid ka yihiin, masajidyada,  dugsiyada waxbarashadda, jaamcadaha  xarumaha caafimaadka iyo suuqyada laga muraadsado. Waxa kaloo ay u soo jeediyeen axsaabta inay ku camal falaan xeerkii anshaxa ee ay saxeexeen hoggaamiyeyaashoodu.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply