Beentiisa Ayaa Noloshiisa Galaafatay!

0
527

Wakhtigii uu Ruushku u talin jiray nidaamka boqortooyada ahaa ayaa la sheegay in Taajka dahabka ee boqortooyadu lumay. Dhamaan ciidankii iyo dadkii Ruushku waxay raadinayeen Taajka boqortooyada ee muhiimka ah.

Nin waalan oo u dhashay dalka Holand ayaa dadkii weydiiyay maxaa la raadinayaa, waxayna ugu jawaabeen inay raadinayaan taajka Boqorka oo lumay. Ninkaasi waalaan ee aan dhamayn ayaa u sheegay inuu isagu helay taajkaasi oo uu hayo.

Dadkii markii ay ciidanka gaadhsiiyen ayay ilaalada boqortooyadu ninkaasi u yimaadeen laakiin wuxuu u sheegay inuu iska lahaa oo ay beentiis ahayd isla markaana aanay jirin wax uu helay.

Ilaalada boqortooyadu ninkaasi way qabteen oo isla markiibana way gubeen isagoo nool. Dambaskiisana waxay sheegeen inay ku daadiyeen dhinaca dalka Poland.

Leave a Reply