Qisada ‘Denbiga Aad Ka Gasho Aadamaha Kaama Hadho!’

0
431

Sanadkii 1982 Dr.Dieter Krombach oo Jarmalka u dhashay ayaa dilay Inan gashaanti ah oo ay gabadhiisu nin hore u dhashay ka dib markii uu irbad sun ah ku muday. Aabaha inanta la dilay dhalay Mr.Andre ayaa tegay maxkamadda isagoo sheegay inuu ninkani dilay inantiisa oo guriga hooyadeed oo ay isaga kala tegeen joogtay.

Maxkamadda ayaa codsatay inuu keeno cadaymo buuxa laakiin Andre Bamerski wuu ku guul daraystay inuu keeno, Maxkamaduna waxay sheegtay in aan wax denbi ah lagu qaadi Karin Dr.Dieter.

Tani waxay keentay  in Andre uu u gudbiyo dacawadiisa maxkamadda caddaalada Yurub ee Faransiiska, dembi baadhayaasha bilayska ah iyo xeer-ilaaliyeyaasha Maxkamadda Yurub baadhis ka dib waxay ka codsadeen Jarmalka inuu u soo gudbiyo Dr. Dieter Krombach si uu u waajaho dacawaadaasi, laakiin waxa diiday Jarmalka oo sheegay inay dacawadaasi baadheen waxbana ku waayeen oo aanay soo gudbinayn.

Maxkamadda Faransiiska ayaa ku xukuntay odayga dilka geystay ee Dr.Dieter 16 sano xadhig oo marka uu soo galo Faransiiska looga bilaabi doono.

Odayga dhalay inanta la dilay Andre ayaa kiraystay laba nin oo soo afduuba ninkaasi oo Ruush ah sanadkii 2011, waxaana ay soo qabteen Mr. Krombach oo ay hor keenaa maxkamadda. Ka dibna waxa la xidhay 15 sano, dilkii uu geystay 30 sano ka hor ayuu ciqaabkiisa helay. Aabaha dhalay inanta la dilay markii uu Jarmalka ku noqday ayaa isagana Jarmalku xidheen hal sano oo xadhig waxaana lagu eedeeey inuu afduubay qof  muwaadin Jarmal ah.

Leave a Reply