Murrashax Cirro oo Berbera Kula Dabbaal-degay Taageerayaasha WADDANI oo Muujiyey Baaxadooda

0
365

Berbera(Dawan) Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil. Kumanaan taageerayaal ah ayaa Murrashaxa kaga horyimid duleedka Berbera kuwaas oo ku debaal-degay jidadka magaalada markii dambena madaxdu khudbado ugu jeedisay fagaaraha Berbera oo ay isugu yimaadeen kumanaan jamaahiirta Waddani ah oo ku labisan calanka liimiga ah iyo sawirrada Murrashax Cabdiraxmaan Cirro iyo kuxigeenkiisa Dr Maxamed Cali Cabdi.

 

Masuuliyiinta gobolka Saaxil ee  Waddani iyo taageerayaasha  xisbiga,  ayaa si diirran u soo dhaweeyay weftiga Murrashax Cabdiraxmaan Cirro. Taageerayaasha ayaa gaadiidka kala duwan oo ay ka mid yihiin baabuurta waaweyn ee xamuulku waxay ku dhexmareen jidadka Berbera. Waxa sidoo kale jidadka la lugeeyay Murrashaxa Waddani. Masuuliyiinta Gobolka ayaa ballaadhan ugu mahadceliyay isu soo baxa ay reer Berbera ku taageereen isbeddelka xisbiga Waddani  doonayo inay dalka ka hirgaliyaan haddii ay ku guulaystaan doorashada mqdaxtooyada ee waddanka ka qabsoomaysa 13ka November 2017.

 

 

Maayarkii hore ee Berbera Cabdalle Maxamed Sandheere ayaa  shacabka gobolka Saaxil u soo jeediyay inay taageeraan xisbiga WADDANI oo uu ku tilmaamay inuu horumar gaadhsiiyo waddanka.

 

 

Siyaasiyiinta kala ah Maxamed Biixi Yoonis Wasiirkii Arrimaha Dibadda xukuumadda Siilaanyo, wasiirkii arrimaha gudaha xukumadodii Riyaale Ismaaciil Aadan Cismaan(Ismaaciil Yare) Abiib Diiriye Nuur oo xilal ka soo qabtay xukuumaddii Somaliland dhammaantood ah siyaasiyiin miisaan ku leh dalka ayaa bulshada reer Saaxil u sheegay in aanu jirin waajib qabyaaladeed oo ku kallifaya in ay Muuse u codeeyaan. Waxa ay bulshada ka wacdiyeen qabyaaladda kuna boorriyeen in ay taageeraan Murrashax Cabdiraxmaan Cirro oo ay u arkaan hoggaan dalka iyo dadkaba wax tar u leh.

Musharraxa Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa si weyn ugu mahadceliyay reer Berbera kana hadlay baahiyaha gobolka Saaxil,  “Berbera waxyaabo badan bay caan ku ahayd; waxay caan ku ahayd dekedda, Madaarka, waxay caan ku ahayd wershado. Waxay ahayd magaalada kaliya ee biyaha khasabaddaha laga cabo lahayd muddo dheer. Waxay ahayd xarunta ilaha dhaqaalaha Somaliland laakiin, maanta intiiba way hurdaan oo ma shaqaynayaan. Madaarkii ma shaqaynayo, warshadihii ma shaqaynayaan, dekeddii sideedii uma shaqaynayso, haamihiina waad ka war haysaan. Dhulkii Berbera maanta golaha degaanku ma bixiya dawladda dhexe, maayarku waxba ma bixiyo ee wuu iska fadhiya ayaan filayaa meesha. Waxaa la igu yidhi ilaa 50km waa la bixiyay marka magaalada dhinac walba laga eego. Dhulkii loogu talo galay in uu kayd u noqdo haammaha, dekedda iyo madaarka intiiba waa la bixiyay. Intaasiba waxaanu leenahay waa sharci darro. Go’aanka xisbiga Waddani waxa weeye hantida ummadda ee aan ku bixin sifo sharci ah dib baa loo eegaya waxaana lagu soo celinaya gacanta shacabka.” ayuu yidhi Murrashax Cabdiraxmaan Cirro.

Murrashaxa xisbiga Waddani waxa uu sheegay in 1960kii Hargeysa iyo Berbera isleekaayeen laakiin, Berbera u kori wayday laba arrimood oo kala ah biyo la’aan iyo laydh la’aan. Waxa uu tilmaamay in meelaha kulul sida magaalo xeebeedda Berbera u baahan yihiin biyo iyo laydh ku filan laakiin, la’aanta labadaasi Berbera ka reebtay magaalooyinkii la faca ahaa ama ka dambe dhismay. Waxa uu sheegay in caafimaadka iyo waxbarashada Berbera tahay mid aad u liidata.  Murrashaxa ayaa bulshada gobolka  Saaxil u ballan qaaday in xisbigiisu wax ka qaban doono dhibaatooyinka haysta maaddaama oo uu wax ku soo bartay kana helay codkii ugu badna xilligii laga doortay 2005.

Murrashax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in ay dhawaan ra’isal wasaaraha Itoobiya ka wada hadleen sidii dekedda Berbera loog dhigi lahaa mid casri ah “Barigii dhawayd ee aanu kulanay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya waanu ka wada hadalnay sidii Berbera looga dhigi lahaa deked Caalami ah. Insha Allah deked caalami ah ayaanu ka dhigayna oo u adeegta gobolka gaar ahaanna Itoobiya, Waddo iska daaye Tareen ayaanu keenayna tareen. Xisbi ahaan waanu soo dhawaynaynaa maalgashiga laakiin, waa in aanu suuq madow noqon ee uu noqdo mid baarlamaanku og yahay oo shacabku ogyahay. Dhammaan heshiisyadii xukuumadda Kulmiye gashay dib baanu u eegayna,” ayuu yidhi Murrashax Cirro.

Geesta Kale Murrashax Cabdiraxmaan Cirro waxa uu bulshada Somaliland siiba taageerayaashiisa u diray farriin nabadgalyo kadib weerarkii gurigiisa lagu qaaday “Waxaan isleeyahay Kulmiye wuu niyad jabay, wuu quustay, sidaa awgeed wuu rafanaya. Waxaad ka war qabtaan in maalin dhawayd la isku dayay in xarunta Waddani ee Hargaysa la gubo oo taayirro ololaya lagu tuuray. Waxaad ka war qabtaan in gurigayga la weeraray, waxaad ka war qabtaan in bannaan bixii u dambeeyay Hargeysa lagu burburiyay in ka badan 40 gaadhi, intaas oo calan ayaa laga goostay xafiisyada Waddani laakiin, ma rabno in aynu Kulmiye oo kale noqono. Waxaan idinkula dardaarmaya in aynu nabadda ka shaqayno, dardaarankeenu waa nabad waa nabad waa nabad, waa dulqaad. Waxaynu u diyaar garoobaynaa codaynta oo codka ayaynu ku kala baxayna, waxyaabaha dhacaya na cabsi gelin maayan, waxaanu u tudhayna dalka iyo dadka, waxaanu ilaalinayna in la isku dhaco, waxaanu hubna in aanu doorashada helayno,”  ayuu yidhi Murrashax Cabdiraxmaan Cirro oo sheegay in dunidu indhaha ku hayso doorashada Somaliland ficil iyo qawlba sidaas awgeedna loo baahan yahay tartan xalaal ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply