Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Murrashaxiinta uga Digay Hadalka Xanafta leh

0
460

Hargeysa(Dawan)-  Wasiirka Arrimaha Dibada Jamhuuriyadda Somaliland Dr.  Sacad Cali Shire,  ayaa walaac  diblomaasiyadeed  ka muujiyay   dhalliilaha  iyo hadallada  xajiinta leh ee ay maalmahan is dhaafsanayeen Murrashaxiinta  madaxtinimada ee xisbiyada qaranku.

Waxaanu  sheegay in arrintaasi ay dhaawacayso sumcadda Somaliland ku leedahay caalamaka,  hannaanka doorashooyinka  iyo itiraaf raadinta dalka, isla markaana  looga fadhiyo  hogaamiyeyaasha xisbiyadda in ay bulshadda ku kasbadaan barnaamjiyadoodda siyaasadeed iyo waxyaabaha ay ka qaban doonaan duruufaha nololeed ee bulshadda haysta.

Dr. Sacad Cali Shirre, ayaa tilmaamay in aanay kala fogaynta bulshadda oo keliya saamayn ku yeelanaynin hadaladda qalafsan ee ay is waydaarsadaan musharaxiinta xisbiyadu, balse ay hoos u dhigi karaan geedi socodka aqoonsi raadinta Somaliland.

“Waxaa la inagu ammaana nidaamka dimuqraadiga ah ee aynu qaadanay, waxaa la inagu ammaana hab-wanaagii ay inoogu dhaceen doorashooyinkii faraha badna ee aynu soo marnay,  oo si wanaagsan inoogu socday.   Laakiin, hadda  waxaad mooddaa in hadal xajiimayn iyo xanaf leh  uu jiro oo aad moodo In quruxdii iyo wanaaggii aynu ku kasbanay     hadda siday wax inoogu socdeen wasakheeyay oo uu saameeyay.

Cayda, dhalleecaynta iyo ceebayntu cod ma keenaan. Cadaawad uun bay keentaa, cadaawadduna burbur uun bay keentaa ee waxba ma dhisto.  Waxaa  loo baahan yahay in siyaasiyiintu ay ka fogaadan wax allaale wixii colaad iyo kala fogayn dhexdeena ku abuuri kara ee wax yeeli kara geeddi socodka itiraafkeena iyo horumarkeena”ayuu yidhi Dr. Sacad oo shalay u waramayay warbaahinta qaranka.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Somaliland waxa   uu taxay dhibaatooyinka nololeed ee haysta bulshadda  Somaliland   ee u baahan in wax laga qabto, kuwaasoo ay ka mid yihiin shaqo la’aanta, biyaha, waxbarashadda iyo caafimaadka.

Isagoo arrimahaas faahfaahinayayna waxa uu yidhi  “Dhibaatooyin badan baa jira oo u baahan in wax laga qabto oo lagala hadlo dadka. 70% dadkeenu waa bilaa camal, carruurteena 50% waxba ma bartaan oo iskuul ma tagaan, dadkeena 50%  waxna ma qoraan waxna ma akhriyaan.

Carruurteena  dhalata 10-kiiba mid baan gaadhin 5 jir, umul raaca waxaynu caalamka ka nahay lambarka  kowaad, dadkeena 50% in ka yar ayaa biyo nadiif ah hesha.  Markaa   dhibaatooyinkaas oo dhan baa u baahan in laga hadlo oo cid walba (musharaxiinta)  waxay ka qabanayso dadka u bandhigto”  ayuu yidhi wasiir Sacad.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in xisbiyadu ku eekaadan sharraxidda barmaamijyadooda wax qabad laakiin, aanay xajiimayn u bandhigin bulshada.  “Arrinkaasi wuxuu dhaawacaya geedi socodka itiraafkeena. Doorashooyinkeena caalamka oo dhan baa isha ku haya. Guulo badan baynu ka soo hoynay ilaa hadda. Dooddii  maalintii dhawayd ugub bay ku ahayd gobolka,  haddii aanay Afrika-ba ku ahayn, waa tusaale wanaagsan oo ka mid ah tusaaleyaasheenii hore”ayuu yidhi wasiirka khaarejiga Somaliland.

 

Geesta  kale wasiirku waxa uu ka hadlay   kaalintii ay wasaaradda arrimaha dibadu ku lahayd   heshiiskii ay dhawaan wada gaadheen jamhuuriyadda  Somaliland iyo Khaatumo, isagoo xusay in wasaaradiisu ay door aad u muhiim ah ka qaadatay min bilawgii ilaa dhamaadkii heshiiskaasi.

Sidoo  kale wasiir Sacad,  waxa uu tilmaamay in wasaaradda arrimaha dibadda ay  door muhiim ah ka qaadatay heshiiska maalgashi ee dekedda Berbera.

Ugu danbayn wasiirku waxa uu sheegay in xidhiidhka Somaliland ay la leedahay dalalka jaarka uu yahay mid meel fiican maraya, isla markaana kor loo qaaday cilaaqaadka  ay Somaliland la wadaagto dalalka deriska ah.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply