Beesha Caalamka oo Bogaadisay Madaxweynaha La Doortay ee Somaliland

0
379

Nairobi (Dawan)- Saaxiibada Caalamka ayaa shaaciyay   inay soo dhoweynayaan go’aankii  Komishanka  doorooyinku ku shaaciyey in Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdillahi Saylici ku guulaysteen doorashadii Madaxtinimada Somaliland, isla markaana ku baaqay in dhammaan dhinacyada ay khusayso gacan ka geystaan ixtiraamka nabadda iyo xasiloonida Somaliland.

War saxaafadda loogu talogalay oo waddamada Somaliland ka taageera nidaamka dimuqraadiyada iyo doorashooyinka shalay galab soo saareen ayey ku sheegeen inay si dhow ula socdeen doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday 13kii November, ay si u muujiyaan taageeradooda geedi-socodka dimuqraadiyada Somaliland.

 

War-murtiyeedkan waxa si wadajir ah u soo saaray dalalka  Belgium, Denmark, Midowga Yurub,  Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Norway, Netherlands, Switzerland, Sweden, United Kingdom iyo United States.

 

Qoraalka saaxiibada Somaliland ayaa lagu sheegay inay amaanayaan qaabkii nabadgelyada ahayd ee doorashooyinku uga dhaceen dalka, inkastoo ay jireen arrimo walaac ah, haddana, ma dhaawacayn daacadnimada habkii doorashadu u dhacday.

“Waxaan ku ammaanaynaa doorka muhiimka ah ee Komishanka Doorashooyinka qaranku ka qaateen qabsoomida doorashada  iyo go’aankii ay ku shaaciyeen  natiijooyinka hordhaca ah ee ay soo saareen ku shaaciyeen in madaxweynaha Murrashaxa  Kulmiye, Muusa Biixi Cabdi, ku guulasytay doorashadii Madaxtinimada.

Natiijada doorashada ka dib, waxay saaxiibada Somaliland ugu baaqayaan dhammaan dhinacyadu inay gacan ka geystaan ixtiraamka nabadda iyo amniga  Somaliland iyo in loo maro  wixii cabashooyin ah ee doorashooyinka  dariiqyada sharciga ah.

Waxaan ku celinayaa in hirgelinta sharcigu ahaado, ujeeddada kowaad in dhammaan la xaqiijiyo, lana xurmeeyo rabitaankii codbixiyeyaasha Somaliland,”ayaa lagu yidhi bayaankaas.

Dawannews Hargreysa office

Leave a Reply