Guddoomiyaha Baarlamaanka Ingiriiska oo Sheegay inuu Xiisaynayo Doorashada Somaliland

0
380

London(Dawan)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Ingiriiska Mr. John Bercow, ayaa sheegay  inuu si weyn u xiisaynayo doorashooyinka Somaliland, wakhti aan fogeyna uu rajaynayo in xukuumadda Ingiriisku mowqifkeeda la xidhiidha doorashooyinka ka hadasho.

Baarlamaanka Ingiriiska ayaa Axadii doraad lagaga hadlay doorashooyinkii madaxtinimada ee 13kii bishan  dalka ka qabsoomay, ka dib markii, xildhibaan Stephen Doughty oo si weyn u taageera qaddiyada madax-bannaanida Somaliland ka jeediyey su’aal weydiiyey Gudoomiyaha Baarlamaanka Ingiriiska u dhignayd:

“Waxa laga yaaba inaad ogtahay inaan sugayno natiijooyinka doorashooyinkii Somaliland ee guusha ku dhammaaday. Waxaan rajaynayaa in xasiloonida iyo nabadgelyada la sii wadi doono, isla markaana, natiijo kastoo soo baxda, ka dib wixii cabashooyin ah ee soo baxa loo mari doono dariiqa sharciga. Ma jiraa wax war ah aad ka maqashay ama u soo saaaray xafiiska Arrimaha Dibeda ee Ingiriiska, oo ku saabsan doorashooyinkan muhiimka ahaa?.”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Ingiriiska Mr. John Bercow oo jawaabayay su’aasha xildhibaanka, waxa uu yidhi;  “Waxaan rajaynayaa wakhti aan fogeyn in la helo. mabda’ ahaan, annigu waxaan hore uga tirsanaa xildhibaanno qaddiyadda Somaliland taageeri jiray. Arrinkani waa mid xiiso weyn ii leh. Waxaan qabaa in xukuumadda Ingiriisku mowqifkooda u sheegi doonto baarlamaanka wakhti aan fogeyn.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply