‘Dalkayga Damacayga u Burburin Maayo, Dadkaygana Dhiigooda u Daadin Maayo’

0
387

Hargeysa(Dawan)- Guddoomiyaha ahna Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga  mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay inuu  u aqbalay natiijada doorashada madaxtooyada ee shalay la shaaciyay danta iyo wadajirka dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Murrashax Cabdiraxmaan Cirro oo lagaga guulaystay doorashadii 13kii bishan qabsoontay, ayaa sheegay inuu u aqbalay natiijada, isagoo xeerinaya qaranimada Somaliland. Waxaannu sidaas ka sheegay xalay  khudbad uu ka jeediyay  shir xisbigiisu ka yeeshay shalay  Huteelka Ambassador oo socday muddo dhawr saacadood ah.

“Waxaan qaatay maanta(shalay) go’aan qadhaadh oo aan hubo inaanu farax-gelinayn taageerayaasha  xisbiga WADDANI, kaasi oo ah mid lagu badbaadinayo midnimada ummadda Somaliland iyo ammaanka qaranka. Umaan tanaasulin Muuse Biixi (Madaxweynaha cusub), umaan tanaasulin KULMIYE,  waxaan u tanaasulay  nabadda, wadajirka iyo midnimada ummadda reer Somaliland,”ayuu yidhi Murrashax Cirro.

 

Waxa kaloo uu ku dooday  inuu aqbalay natiijada doorashada, waxaannu yidhi; “Waxaan go’aansaday inaan aqbalo natiijada la  soo dhoodhoobay, sidii uu hore u yidhi Madaxweyne Daahir Rayaale ee uu lahaa  ‘Gacantayda Somaliland ku burburi mayso’  aniguna waxaan leeyahay  dalkayga damacayga u burburin maayo, dadkaygana dhiigooda u daadin maayo.”

Murrashax Cirro wuxuu ku eedeeyay xisbal-xaakimka KULMIYE inay qayb-qaybiyeen ummadda reer Somaliland.

“Waxaan ugu baaqayaa taageerayaasha xisbiga WADDANI meel kasta oo ay joogaan, waxaan  ugu baaqayaa inaanay u dhego nuglaanin xaalad abuurka. Waxaanan madaxweynaha cusub ugu baaqayaa inuu badbaadiyo dhiiga shacabka Somaliland,”ayuu yidhi Murrashax Cabdiraxmaan Cirro.

 

Waxaa shirkan goobjoog ka ahaa Murrashaxiisa madaxweyne Ku-xigeenka Dr. Maxamed Cali Cabdi, Guddoomiyaha Kumeel-gaadhka ah ee WADDANI, Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, Hoggaamiyaha xisbigaas, Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Hoggaanka iyo guddida fulinta ee WADDANI.

Md. Cabdiraxmaan Cirro ayaa habeen hore sheegay inaanu aqbalaynin natiijada hordhaca ah ee doorashadii madaxtooyada, waxaannu ku sababeeyay in si weyn loogu shubtay isla markaana uu hadheeyay madmadow badani. Dadweynaha Somaliland ayaa si weyn u soo dhaweeyeen aqbalaadiisa natiijada doorashada. Waxaanay ku sifeeyeen Hoggaamiye danta guud u muujiyay tudhaale iyo tanaasul.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply