Wadarta Codadkii Doorashadii Madaxtooyada iyo Sidii Loogu Kala Guulaystay

0
621

Hargaysa (Dawan)- Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa shalay gelinkii danbe si rasmiya u shaaciyay  natiijada doorashaddii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay 13-kii bishan, taasoo ay ku guulaysteen musharaxiintii ka tartamayay xisbiga Kulmiye.

Waxaanay komishanku sheegeen in codadkii la dhiibtay 13-kii November  uu xisbiga Kulmiye helay 55.19%,  sidaas darteed-na  Muuse Biixi Cabdi Xildiid uu yahay madaxweynaha la doortay ee shanta sanadood ee soo socda, halka jagadda madaxweyne ku-xigeenka-na uu ku guulaystay C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Shirre (Saylici).

Sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha gudiga doorashooyinka Somaliland  C/qaadir Iimaan Warsame, oo  ku dhawaaqay natiijadda hor dhaca ah ee  doorashadii dalka ka dhacday 13-kii bishan iyo tiradda codadka ay xisbiyadu ku kala guulaysteen.

Waxaanu tilmaamay in komishanka doorashooyinku   iyagoo tixraacaya xeerka doorashooyinka madaxtooyadda iyo goleyaasha degaanka xeer LN. 20/2002  iyo  qodobka 83-aad  faqradiisa 4-aad,  ee dastuurka qaranka Somaliland oo dhigaya in doorashadda madaxweynaha iyo ku-xigeenka ay ku guulaysanayaan labadda mudane ee magacyadoodu ku xusan yihiin liistadda hesha codadka ugu badan.

Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu  yidhi “Komishanka doorashooyinku wuxuu ku dhawaaqayaa, isagoo cuskanaya qodobka 64-aad  faqradiisa 4-aad  ee xeerka doorashooyinka madaxtooyadda iyo goleyaasha degaanka, in tartankii doorashadda madaxtooyadda ee qabsoomay 13-kii bishan November sanadka 2017-ka  ay ku guulaysteen  murashaxiinta xisbiga Kulmiye,   oo kala ah.

Mudane  Muuse Biixi Cabdi Xildiid, uu  ku guulaystay jagadda madaxweyne-nimadda jamhuuriyadda Somaliland shanta sanadood ee soo socota  iyo  mudane C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Shirre (saylici) oo ku guulaystay jagadda madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland ee 5 sanadood ee soo socota. Iyadoo musharaxiintu ay kala heleen sidan:

Xisbiga UCID:     23141 cod oo u dhiganta 4.17%

Xisbiga Kulmiye: 305.909 cod una dhiganta 55.19%

Xisbiga Waddani: 226.092 cod  oo u  dhigmaysa  40.73%”.

Sidoo  kale  C/fataax Ibraahim Xasan, oo ka mid ah 7 xubnood ee komishanka doorashooynka Somaliland ayaa sharaxaad ka bixiyay tiradda codadka guud ee la dhiibtay, inta xumaatay iyo inta ansaxday iyo sidoo kale tiradda uu xisbi  kastaaba ka helay lixda gobol  ee dalka.

Waxaanu yidhi “Tiradda dadka cod-bixiyeyaasha ah ee xaq u lahaa in ay codeeyaan waxay ahayd704,089 (todoba boqol iyo afar kun iyo siddeetan iyo sagaal qof).  Waxay  noqotay tiradda guud ee dadka codeeyay dalkoo dhan 556.617 ruux, oo u dhiganta 80%. Tiradda  codadka xumaaday waxay noqdeen 1475 cod, oo u dhigma 1.85%. taasoo ka dhigaysa tiradda codadka ansaxay 555.142,  una dhiganta 98.15%.”

Geesta kale munaasibadii ay komishanka doorashooyinku kaga dhawaaqayeen natiijadda hor dhaca ah ee doorashadda madaxtooyadda oo lagu qabtay xarunta komishanka ee Hargaysa, waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka kala socday xisbiyadda UCID iyo Kulmiye, iyadoo aanay xafladaasi ka soo qayb gelin xisbiga mcuaaridka ah ee Waddani.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi joogay   madax iyo masuuliyiin hore xilal uga soo qabtay Somaliland, culimaw-diin, xubno metelayay  goob joogeyaashii kor meerayay doorashadda, masuuliyiin ka socday hay’adaha caalamiga ah, ururadda bulshadda rayidka ah, xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somaliland iyo marti sharaf kale.

Dhinaca kale natiijadan doorashadda madaxtooyadda ee ay shalay ku dhawaaqeen komishanka doorashooyinku ayaa ah mid  hor dhac ah, iyadoo ay u gudbin doonaan maxkamadda sare ee dastuuriga ah si ay go’aanka kama danbaysta ah uga soo saarto natiijadaasi.

Waxaana natiijadani maxkamada sare loo gudbin doonaa  20 maalmood oo ka bilaabmaysa maalinta lagu dhawaaqo natiijadda hor dhaca ah ka dib, sida uu dhigayo xeerka doorashooyinka goleyaasha degaanka iyo madaxtooyadda  ee Somaliland.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply