‘Maamulka Ceerigaabo Yaanay Noqon Mugabe oo Kale’ Eng, Cabdi Cali Saalax

0
435

Hargeysa (Dawan)- Eng, Cabdi Cali Saalax oo ka tirsan masuuliyinta Xisbiga KULMIYE ee dalka Rwanda ayaa dhaliilay nidaamka waxqabad ee golaha degaanka degmada Ceerigaabo, waxaannu sheegay in magaaladu u baahan tahay isbeddel maamul.

Eng: Cabdi Cali Saalax oo u warramay  wargeyska Dawan, ayaa sheegay in magaalada Ceerigaabo uu hal Maayar maamulo tan iyo xukuumadii Madaxweyne  Daahir  Rayaale, waxaanu yidhi “Magalaada ilaa xukumaddii Rayaale waxa haystay hal Maayar, waxaanay u baahan tahay isbeddel maamul, tusaale waxa kuugu filan dhacdooyinka dunida sida Rober Mugabe oo ah hoggaamiyihii hortaagnaa ummadda Zimbabwe  37 sannadood oo toddobaadkan ka tagay dalkaas. markaa waa in maagalada ay dad cusub u soo baxaan oo maamulka degmada dhiig cusub loo dhiibo oo aanay la mid noqon Mugabe oo kale. Waxaan aaminsan nahay in shacabka Ceerigaabo la shaqeeyaan dawladda KULMIYE oo doonaysa horumarinta magaaladaas.”

 

 

Eng. Cabdi Cali ayaa sheegay in muddadii uu dalka ka maqnaa aannay magaalada Ceerigaabo wax badani iska beddelin; “Magalaada Ceerigaabo is beddel ayey u baahan tahay iyo hoggaaamiye cusub, waxa ay rabtaa in si fiican loo koriyo, waxay taagan tahay  sidiii  aan  35  sanno ka hor kaga tagnay inteeda badani,”ayuu yidhi Cabdi Cali, waxaannu yidhi; “Madaxweyne Muuse aragti  cusub ayaa ugu qorshaysan sicir bararka dalka ka jira, waxaannu horumar dhaqaale ku samaynayaa dalka.”

Ugu danbayntii waxa  soo dhaweeyey Madaxweynaha Cusub ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo komishanku doorashadu sheegeen in uu ku guulaystay codad dhan 305.909  oo u dhiganta 55% codadka guud ee doorashadii dalka ka dhacday.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply