Soomaaliya oo Sheegtay inay Cashar ka Baratay Somaliland

0
379

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guulleed (Khadar) ayaa ku tilmaamay doorashadii Somaliland mid ay ka muuqatay isku dulqaadasho siyaasadeed iyo Ilbaxnimo, isaga oo bogaadiyay madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi.

 

‘’Waxaa rabaa in aan hambalyeeyo shacabka Somaliland iyo madaxweynaha la doortay intaba, waxaan leeyahay waxaad muujiseen Ilbaxnimo siyaasadeed oo ku dasho mudan “ ayuu yidhi Raysal wasaare ku xigeenku.

 

Khadar ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen shacabka Somaliland ay tahay guul u soo hoyatay dhammaan Soomaalida  iyo cashar wax badan laga baran karo, maadaama Soomaaliya ay ku soo fool leedahay sida uu sheegay doorasho qof iyo cod ah.

‘’Waxaan odhan karnaa habka ay doorashadu u dhacday waa guul u soo hoyatay Soomaalida iyo cashar wax badan laga baran karo, maadama Annaga ka xukuumad ahaan iyo baarlamaan ahaan intaba aanu u diyaar garoobeyno in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah.”

 

 

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Somaliland ay si wanaagsan uga dhaqan gashay dimuqraadiyadu, waxaannu yidhi “Doorashada Somaliland waxay muujineysaa yididiilo wanaagsan oo tilmaamaysa dimuqradiyadu inay si hagaagsan uga dhaqangeli karto hab-nololeedka iyo dhaqanka dadka Soomaalida, waxaan leeyahay Somaliland, Waxaad jideyseen tusaale habboon iyo habdhaqan siyaasadeed cusub oo ku dayasho  mudan, guuleysta oo nabad iyo horumar ku waara”.

Doorashada 13-kii bishan ka dhacday Somaliland oo noqoneysa tii Saddexaad  oo ay shacabku soo doortaan madaxweynahooda ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay beesha caalamka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply