‘Doorashadii Aynu Galay waxay inoo Furaysaa Albaabada Caalamka’

0
410

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda  Somaliland,  Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Wasiir ku-xigeenka Xidhiidhka Goleyaasha,Mustafe Maxamuud Cali, ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka la doortay Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil iyo murashiriintii tartanka la galay ee ay ka guulaysteen ee aqbalay natiijada hordhaca ah ee doorashadii Madaxtooyada iyo guud ahaan bulshada reer Somaliland ee sida wanaagsan ee niyad samida iyo dal  jacaylka ah uga qayb qaadatay codayntii doorashada iyo ciidamada kala duwan ee Somaliland ee suuragaliyay in dal nabad ah oo kalsooni ammaan haysta in ay ahaato Somaliland.

Waxa kale oo ay ka hadleen qiimaha  doorashadii Madaxtooyda  Somaliland ay caalamka uga goynayso iyo qaabka ay sare ugu qaadayso qaddiyada qarannimada una soo dhawaynayso aqoonsi buuxa oo Somaliland caalamka ka hesho.

Waxaanay labada wasiir sidaa ku sheegeen waraysi ay siiyeen wargayska Dawan iyo TV-ga Qaranka. ugu horrayn wasiir Cadami oo hadalka ku horreeyay ayaa yidhi “Maanta Somaliland oo dhan ayay guul qaran u tahay waxaa wada guulaystay dalka  oo maanta ku midaysan yar iyo weyn rag iyo dumar farxadda doorashadii Madaxtooyada ee nabadda iyo wanaagga innoogu soo dhamaatay, waxaanan hambalyaynayaa oo aan ku bogaadinaynaa guusha ay gaadheen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka la doortay Muuse Biix Cabdi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici iyo musharixiintii la tartamay ee markiiba aqbalay natiijada hordhaca ah ee ay ku dhawaaqeen gudiga doorashooyinka qaranku. Waxaa kale oo aanu hambalyaynaynaa guud ahaan shacabka Somaliland ee u dhabar adaygay in ay xamilaan ololihii baaxada lahaa ee ay ka shaqo tegi waayeen iyo asxaabtii qaranka ee tartanka wada gashay iyo ciidamada kala duwan ee Somaliland ee suura geliyay in ay nabad iyo wanaag innuugu qabsoonto doorashada natiijadeeda aynu isku hambalyaynaynaa.”

Wasiir Cadami oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi  “Dunidu in badan ayay Somaliland cadaadinaysay oo ay dafirsanayd qaran dhan oo hannaankiisa dawladnimo 27 sano jir tahay oo ka dimuquraadi san dalal badan oo qaaradaha kala duwan ee caalamka ku yaalla, laakiin doorashada aynu maanta qabsanay waa doorashadii aqoonsiga Somaliland soo dedejin lahayd ee u furi lahayd albaabka Ictiraafka qaranka Somaliland waxaanan leeyahay nimcada aynu haysano aynu ALLE ugu shugrino oo u mahad naqno, mar labaadkana waa in aynu sidaynu maanta isugu duubanahay aan isugu duubnaano oo inta inna neceb ee jiritaankeenu dhibayo aynu tusno in Somaliland qof qudha tahay oo ul iyo diir tahay oo naf qudha wadaagto meel keliya oo horumar iyo himilo fog ahna u wada jeedo dawlad iyo shicib, mucaarid iyo muxaafidna naftoodu mid isku wada tahay.”

Waiir Ku-xigeenka  goleyaasha oo ka dareen celiyay natiijada doorashadii Madaxtooyada Somaliland, ayaa yidhi. “Maanta waxaa farxad inoo ah in dalkoo nabad ah iyo dadkoo midaysan in farxad loogu wada debbaal degayo natiijada komishanku ku dhawaaqay ee Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cabdilaahi loogu doortay Madaxweynaha iyo ku-xigeenka Somaliland ee shanta sano ee soo socda waana guul Somaliland u soo hoyatay maaha guul KULMIYE oo kaliyi leeyahay ama guul Muuse iyo Saylici  u gaar ah laakiin waa guul qaran waxaanay guul qaran ku tahay siday u aqbaleen labadii xisbi qaran ee kale oo midaysay guud ahaan qaranka Somaliland waxaanan  hambalyaynayaa madaxwynaha iyo kuxigeenka soo baxay iyo musharixiinta aqbabay waana dhacdo taariikhda u gelaysa Somaliland oo caalamka tusaysa in Somaliland iyo Soomaaliyada dunidu xanja xanjaynaysaa in ay laba kala yihiin waana farriintii ugu dambaysay ee Somaliland oo isku duubani ay caalamka u dirtay iyo jidkii loo marayay aqoonsi buuxa oo qaranki uu dunida ka helo, Somaliland,na waxay ilays la higsado iyo halxidhaale ugu tahay guud ahaan qaarada Afika dimuquraadiyadda iyo hannaanka xisbiyada badani in ay qaaradan aan laga kicin karin kursiga ninka fadhiista.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply