Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe oo Ballanqaadey inuu Dalka ku Xidhayo Dunida

0
413

Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa oo khudbad ka jeediyay garoon ciyaareed oo ay dad soo buuxdhaafiyeen, wuxuu wacad ku maray in uu u shaqayn doono dhammaan muwaadiniinta Zimbabwe, islamarkaana uu dalka dib ugu xidhi doono caalamka.

Isaga oo hadlayay kadib  markii loo dhaariyay madaxweynenimada ayaa waxa uu sheegay

in uu aad ugu faraxsan yahay in uu jagadan ka qabto kadib markii uu meesha ka baxay Robert Mugabe.

Wuxuu ammaan kala dul dhacay madaxweynihii uu badalay Robert Mugabe, isaga oo ugu yeedhay, Aabo, ababiye, nin ay ciidammada ka soo wada shaqeeyeen iyo hogaamiye, dadkii ayaana aad ugu sacabeeyay.

Mugabe ayaa si la yaableh xafiiska u banneeyay ka dib 37 sano oo uu xukun kalitalisnimo ah dadka ku maamulayay.

Xil ka tagitaankiisuna wuxuu dabo socday awood isku qabqabsasho horseeday in Mnangagwa laga eryo madaxweyne ku xigeennimadii, si waddada loogu xaadho in Grace Mugabe oo ah xaaska Mugabe ay xilka la wareegto.

Xil ka qaadistiisii bishii hore ayaa ku kaliftay in xisbiga ZANU-PF iyo ciidammada ay awooda la wareegaan, Mugabe-na ku qasbaan in uu xilka ka dego.

Mucaaradka ayaa ka codsaday Mnangagwa in uu soo afjaro dhaqanka musuqmaasuqa ee dalkaas.

Waxaa jira warar ka hadlaya in Mugabe loo fidiyay xasaanad uu kaga nabad galayo in wax dacwad ah lagu soo oogo.

Mnangagwa ayaa balanqaaday shaqo abuur xili heerka shaqo la’aanta Zimbabwe ay gaadhayso boqolkiiba 90%.

“Waxaan rabnaa in aan dhaqaalaha kordhino, nabad ayaan rabnaa, shaqooyinka ayaan rabnaa” ayuu yidhi Mnangagwa oo dad kula hadlayay Harare.

Sanduuqa lacagta adduunka ayaa Zimbabwe ugu baaqday in ay la timaado isbadal degdeg ah, islamarkaasna hesho deymo.

Lama oga in uu dowlad wadaag ah soo dhisi doono ama xisbiga Zanu-PF oo kaliya uu golihiisa wasiirada ka koobi doono inta uu xilka hayo ka hor doorashooyinka sannadka dambe.

 

 

Leave a Reply