Suldaan Maxamed oo Raali-gelin ka Bixiyey Hadal Xanaf leh oo ka soo Yeedhay

0
334

Hargeysa (Dawan) Suldaan Maxamed Suldaan Cabdilqir oo ka mid ah salaadiinta Somaliland, ayaa .

Raali-gelin ka bixiyay  hadal deelqaaf ah oo hore uga soo yeedhay, kaasi oo uu xukuumadda ku eedeeyay inay ka dambayso colaadda ka dhacday degaanka Dararweyne ee gobolka Sanaag.

 

 

“Shirka dib ayaanu u dhigeynaa, mana qabaneyno imika iyo wakhti kale toona,  ilaa wakhti danbe aanu ka iclaamino sidaasi ayaan ku hakiyay shirkaas” ayuu yidhi Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

 

“Hadalkii hore aan u idhi haddii khalad loo qaatay raali-gelin ayaan ka  bixinayaa, ciddii aan dusha ka saarayna  raali ahaada ayaan leeyahay, anigu umaan jeedin reero ee maamulka xukuumadda ayaan ku dhaliilayay, salaadiintana waxaan ka codsaneyaa dagaalka degaankaa inay u gurmadaan oo ay joojiyaan colaadda ka taagan  Dararweyne, labada beeloodna miiska wada hadallada toos ha u yimaadaan,”ayuu yidhi Suldaan Maxamed oo shalay u warramay HCTV.

 

Waxa kaloo uu sheegay inuu taageersan yahay madaxweyne Muuse Biixi, waxaanu yidhi; “Somaliland waa muqadas, qofka bari jooga iyo ka galbeed jooga intaba suldaan ayaan u ahay, mana odhan karo waar islaaya, xukuumadana waxaan leeyahay ha la taageero, Madaxweyne Muuse Biixina waxaan leeyahay kii jira ee jooga Alle ha kaa dhigo, dadkan gudaha ku jira ee wajiga kale u soo xidhanaya xukuumadda ayaa waxan oo dhan ka danbeeya.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply