“Wasaaradda u Haysata Inay Gaadhiga u Shaqeeya Leedahay Sidaasi ma Shaqeynayso”

0
321

Hargeysa(Dawan)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Md.  Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa daah-furay Barnaamij lagu tiro koobayo gaadiidka dawladdu leedahay (GT) ee ka hawlgala xarumaha kala duwan ee xukuumadda, kaas oo lagu furay xarunta madaxtooyada.

 

Munaasibadda daah-furka barnaamijkan oo ay gacanta ku hayso wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta jidadku, ayaa shalay lagu daah-furay xarunta madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaana goob-joog ka ahaa madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),  wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan, agaasimayaasha madaxtooyada iyo wasaaradda Gaadiidka, Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh) iyo Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar-sayid).

 

Hawsha lagu tiro-koobayo gaadiidka dawladda oo laga hirgelin doono dhammaanba hay’adaha kala duwan ee dawladda, isla-markaana safka hore kaga jirta qorsheyaasha xukuumadda madaxweyne, Muuse Biixi ee Boqolka maalmood ee muddo-xileedka madaxweynaha, ayaa waxa ugu horrayn sharraxaad ka bixiyey wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Md. Cabdilaahi Abokor Cismaan, waxaanu  uu yidhi, “Innaga oo ka duulayna siyaasadda gaadiidka ee hore loo ansixiyey waxaanu go’aansanay in tiro-koobka loogu horraysiiyo gaadiidka dawladda, kuwa gaarka loo leeyahayna waanu tiro-koobi doonaa insha allah, habka aanu wax ku tiro koobaynaana waa hannaan awood inoo siinaya in aanu  muddo shan daqiiqo  ka yar ku ogaano tirada guud ee gaadiidka dawladda meel kasta oo ay joogaan. waxa kale oo uu xog inaga siinayaa gaadhiga xaaladdiisa inuu shaqaynayo iyo inuu fadhiyo, si loo xaraasho ama loo kiciyo, waxaana ay shaqadani socon doontaa muddo 28-maalmood ah.”

 

“Wasaarad kasta oo u  haysata inay gaadhiga u shaqeeya iyadu gaar u leedahay, annaguse waxaanu caddaynaynaa in aanay sidaasi shaqayn doonin, wasaaradda Gaadiidkuna iyada ayaa gaadiidka dawladda masuul ka ah, kolba hay’adda ama wasaaradda gaadhi u baahan baanu eegaynaa, siyaasaduna waxay na faraysaa inay wasaaraddani u xilsaaran tahay dhammaan gaadiidka dayac-tirkooda iyo ilaalintoodaba,” ayuu yidhi wasiir Cabdilaahi Abokor Cismaan.

 

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),  ayaa tilmaamay in tallaabada Gaadiidka dawladda lagu tiro-koobayaa qaranka faa’iidooyin badan u leeyahay, isla markaana lagu kala saari doono xaaladaha ay ku sugan yihiin gaadiidka dawladdu iyo baahiyaha ay qabaan, waxaanu yidhi; “Waxaanu caddaynaynaa in maanta la bilaabay diiwaangelintii gaadiidka dawladda, iyada oo looga gol-leeyahay in la ogaado inta gaadiid rasmi ah ee qaranku leeyahay, wixii shaqaynaya iyo waxa aan shaqaynin, si xagga dhaqaalaha loogu xisaabtamo oo intii gaadiid dambe kharash la gelin lahaa gaadiidka qaranku haysto lagu xisaabtamo oo wixii la dayac-tiri karo la dayac-tiro, wixii khadka ka baxayna waddadii xaraashka ahayd la mariyo, waan sharci hore u jirey oo ay xukuumaddan cusubi qaadatay in la fuliyo.”

 

Madaxweyne ku-xigeenku  waxa uu faray dhammaanba wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dawladda inay wasaaradda gaadiidka gacan ka siiyaan hawsha ay ku diiwaangelinayso gaadiidka dawladda, waxaana uu tallaabadda hawshan lagaga bilaabay xarunta madaxtooyada ku sifeeyey mid muujinaysa sida xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi arrintan muhiidda gaar ah u siinayso, “Sababta tiro-koobka gaadiidka dawladda  looga bilaabay madaxtooyadu waa mudnaanta ay hawshani leedahay, dhammaanba wasaaradaha iyo hay’adaha qarankana waxaan farayaa inay hawsha u fududeeyaan wasaaradda loo xilsaaray iyo kooxda ka shaqaynaysa,” ayuu yidhi madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

 

Agaasimayaasha guud ee  Madaxtooyada, Marwo Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra X. Gaydh) iyo Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka, Mudane  Cumar Cabdilaahi Aadan (Cumar Sayid) oo iyaguna halkaas ka hadlay, ay hawsha lagu tiro-koobayo gaadiidka dawladda ku tilmaamay mid qaranka horumarkiisa lagaga shaqaynayo, isla-markaana lagu sugayo xogta guud ee gaadiidka qaranku leeyahay.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply