“Baddeena Maamul Xumo Ayaa ka Dhacda oo Maraakiib Ajnabi ah Ayaa ka Kalluumaysta” Wasiirka Xannaanada Xoolaha

0
288

Hargaysa (Dawan)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa daboolka ka  qaaday  in ay xeebaheeda  ka mamnuucday in  maraakiib ama shirkado shisheeye ay kalluumaystaan, kadib markii ay ogaadeen in ay dhibaato fara badan ku hayaan.

 

Wasiirka wasaaradda xannaanadda xoolaha iyo horumarinta  kalluumaysiga Somaliland,   Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi),  ayaa sheegay in  aanay  mar danbe dhici doonin in ay ruqsado siiyaan  maraakiib shisheeye.

 

 

Xasan Gaafaadhi  oo  shalay  hor tegay guddiga joogtadda ah ee golaha Guurtida Somaliland ayaa ka warbixiyay qorshaha  xukuumadda ee daryeelka xoolaha nool, sidii looga gaashaaman lahaa abaaraha soo noqnoqday iyo horumarinta ama casriyaynta xoolaha. Waxaanu  faahfaahin ka bixiyay ilaalinta Baddaha, daryeelka  kalluumaysiga,  xakamaynta kalluumaysiga  sharci darradda ah, dhismaha, casriyaynta iyo balaadhinta dekadaha kala duwan ee dalka iyo arrimo kale.

 

Xasan Maxamed Cali,  waxa kaloo uu ka hadlay cabasho dhawaan ka soo yeedhay kalluumaysatadda Berbera oo ka cabanayay in laga joojiyay nooc gaara oo kalluunkii ay soo jilaaban jireen ah. wasiirka ayaa  nasiib darro ku tilmaamay  in xeebaha dalku  ay aad u dayacan yihiin, oo dhaqaalaha laga qaado maraakiibta shisheeye ee sharciga u  haysta in ay kala fog tahay waxa laga qaado maraakiibtaasi iyo waxay bixiyaan dhaqaale ahaan.

 

Waxaanu sheegay in  ay Badaha Somaliland  dhibaato weyn ku hayaan maraakiibta shisheeye ee kalluumaysiga sharci darrada ah iyo kuwa liisanka u haystaaba, isla markaana ay wadaan qorshe arrintaasi wax lagaga qabanayo.  “Baddeena maamul xumo fara badan ayaa ka dhacda, maraakiib badan oo ajnabi ah ayaa ka kalluumaysta, si sharciya iyo si sharci darro ahba way uga kalluumaystaan. Kuwa sida sharciga ah kalluunka u guran jiray sharci ayaa la siin jiray, laakiin nasiib daradu waxay ahayd,  waxay inaga qaadanayaan iyo waxa laga qaadayo ayaan isku dhawayn.

 

Khayraad badan oo aynu leenahay ayaa la  inagala tegi jiray, inagoo wixii uu goynayay ee ay xaq u lahayd in uu inoo gooyo aynaan marnaba ka qaadan. Waxay u badnaayeen maraakiib Masaari ah, inta badana ka kalluumaysan jiray aaga xeebta Saylac, markabkii u danbeeyay bishii aynu soo dhaafnay dabayaaqadeedii ayuu baxay. inta aan ka og nahayna wax tuugaysiya maaheee, anagu maanaan bixin wax liisan maraakiib kalluumaysi ah, inta muuqata Baddeenana laguma arag maraakiibtii Masaaridda”.

 

Wasiirku waxa kaloo uu ka hadlay cabasho dhawaan ka soo yeedhay kalluumaysato reer Saaxil ah oo sheegayay in wasiirku uu joojiyay nooc ka mid ah kalluunka ay ka shaqaysan jireen. Waxaanu sheegay in aanay shirkadahaasi kalluumaysatada ah ka joojin shaqadoodii laakiin ay u diideen in ay ka ganacsadaan saddex nooc oo kalluunka ka mid ah oo aanu sharcigu u fasaxaynin in laga ganacsado.

 

Waxaanu xusay in shirkadahaasi ay bilaabeen in ay dhoofiyaan kalluun nool isla markaana ay Somaliland mamnuuc ka tahay in kalluun nool la dhoofiyo. Balse aanu jirin wax kalluumaysiya oo shirkadahaasi ak joojiyeen. “In aanu joojinay ka ganacsiga nooc ka mid ah kalluunka oo Soomaalidu ay indho tooshle u taqaano, ahna qayb ka mid ah libaaxa Badaha, afka qalaadna lagu yidhaahdo  Galba Shark. Marka hore libaax Baddeedka oo dhami waxa uu mamnuuc ka yahay in la jilaabto, waxaanay ku cadahay liisamadda  aanu siino shirkadaha kalluumaysiga.

 

Waxaana liisamadda kalluumaysiga ee aanu bixino ku cad in ay mamnuuc tahay in la kalluumaysto libaax baddeedka, Diin baddeedka iyo naasleydda badda ku jirta oo loo yaqaano Marine Mamalis, saddexdaasiba waa mamnuuc in laga ganacsado. Maanaan joojin in shirkadahaasi ay kalluumaystaan  laakiin,  arrin mamnuuc ah oo la caadaystay oo koontarabaan ah ayaanu joojinay.    Kalluun   ay xaq u lahaayeen in ay kalluumaystaan ka maanaan ka joojin, balse kalluun mamnuuc ahaa oo xeerkii iyo sharcigii ay haysteen, ay ku baal-mareen oo ay ku jebiyeen ayaanu ka joojinay”ayuu yidhi wasiir Gaafaadhi.

 

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Waxa kaloo jira in qaabka loo dhoofinayo kalluunka ama in uu ahaado mid la qaboojiyay oo baraf ku jira ayuunbaa kalluunka lagu dhoofin karaa, taasoo macnaheedu yahay in kalluunka aad dhoofinaysaa aanu kalluun nool ahayn. Waxaana jira shirkado kalluun nool  ka ganacsadda, kalluunka nool ee laga ganacsanayaa kama duwan adigoo Sabeenno iyo Ceesaamo dhoofiyay, waayo? Marka la qaato meello kale ayaa lagu tarmin karaa, dabadeed-na adiga waa lagaa maarmi karaa. Markaa  kalluunkaasina  waanu joojinay.

 

Labadaba qaylo badan ayaa ka timid laakiin, labaduba waxay ku yaaliin liisanka. Waxaana liisanka ku yaalla in aan laga ganacsan Karin kalluun ama aan la qaboojin ama aan baraf ku dhex jirin. Sanadkii 2017-kii ayuu ina soo galay ka ganacsiga kalluunkani, waxaanu dhacay  iyadoo Boosaaso laga xidhay, ayaa  cidii Boosaaso kaga ganacsan jiray ay xageena u soo guureen,   shirkadaheeniina waxay  ku milmeen kuwii xagga Boosaaso laga soo eryay”.

 

Geesta kale wasiirka Xasan Gaafaadhi, waxa uu  sheegay in ay wadaan qorshe ay ku doonayaan sidii  bulshadda loo bari lahaa xirfadda kalluumaysiga, isla markaana lagu joojinayo in aanay kalluumaysatadda shisheeyuhu mar danbe baddaheena u soo gelin.

 

Waxaanu yidhi “Waxaanu rejaynaynaa in xeebta dheer ee aynu leenahay shaqo abuur laga sameeyo, iyadoo dadkii ay xooluhu ka baxeen wixii suurta gal ah xeebaha la dejiyo, tijaabooyi-na la qaado, kuwaasoo ay xukuumadu hormood ka noqoto. Haddii lagu guulaystana la balaadhiyo oo cidii kale  ee maalgashadeyaal ah ama hay’addo caalami ah in aanu la kaashano, oo dadka lagu tababaro xirfadda kalluumaysiga.

 

Waxaanu dhiirigelinaynaa in aanay maraakiib ajaanib ahi baddeena gelin, laakiin cidii kalluun doonaysaa ay kalluumaysatadeena ka iibsadaan. Waxaanu raadinaynaa, kuna raad joognaa in  saylado dibadeed oo kalluunkeena loo iib geeyo la hello.  Baddeena  kalluun wuu ka buuxaa laakiin, waxaa jirta in aynu xagga shaqadda ku liidano.   Waxaanu doonaynaa in aanu  maalgelino  Laashash, kadib-na aanu siino dadka ay ugu horeeyaan dhalinyaradda jaamacadda culuumta badda ee Berbera ka soo qalin jebiyay”.

 

Dhinaca  kale wasiir Gaafaadhi, waxa uu ka hadlay qorshe cusub oo ay doonayaan in ay ku casriyeeyaan hanaanka xoolo dhaqashadda, maadaama oo ay saamayn ku yeesheen  xoolihii la dhaqanayay abaaraha sanadahan danbe  is-daba jooga noqday.

 

Waxaanu sheegay in ay dhawaan bilaabayaan beerta ugu horaysa oo ay doonayaan in xoolaha lagu xanaaneeyo calafkoodda iyo biyaha loogu ssameeyo, si ay ganacsatadda dalka iyo maalgashadeyaasha shisheeyaba ugu soo dhiiradaan. “Waxaanu ku tallo jirnaa maadaama oo ay abaaruhu is-daba joog noqdeen in aanu samayno beero xoolaad oo calafka xoolaha lagu tijaabiyo,  xoolaha-na lagu xanaaneeyo, lagu-na tijaabiyo qaab cusub oo xoolaha loo dhaqan karro, si loogu dhiiri geliyo ganacsatadeena maadaama oo ay xoolihii ka yaraanayaan dadkii reer miyiga ahaa, in maalgashi lagu sameeyo dhulka oo laga ganacsado xoolaha, oo ay dadka tujaarta ahi xoolaha wax gashadaan.

 

Waxaanan doonaynaa in aanu anagu ka wasaarad ahaan beerta ugu horaysa ee tijaabadda ah  samayno. Si aanu dadka u tusno is-bedelka la samayn karro, dabadeed-na aanu ku qancino dadka maalgashadeyaal ah.  sanadkan ayaanan samaynaynaa beerta ugu horaysa,”ayuu yidhi wasiir Gaafaadhi.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply