Hanti Dhawrka Guud oo Qufulay Xafiisyadda Shirkad Maamusha Amaanka Madaarrada Dalka

0
311

Hargaysa (Dawan): Hanti dhawrka guud ee Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Yuusuf Dirir,  ayaa albaabadda u laabay xafiisyadda maamulka iyo xisaabaadka ee shirkadda maamusha amaanka madaarrada Somaliland oo magaceedda loo soo gaabiyo SRM.

Axmed Yuusuf Dirir, hanti dhawraha guud ee Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in ay Salaasadii doraad xafiiska  lacag qabashadda iyo ka maareeyaha shirkadda SRM ay xidheen, isla markaana ay ku dhejiyeen waraaqda amarka ah in aan la furi Karin la’aanta hanti dhawrka.

Inkastoo aanu hanti dhawruhu cadaynin sababta rasmiga ah ee keentay in ay xidhaan xafiisyadda maamulka iyo xisaabaadka  ee shirkadda SRM, tallaabadaasi oo uu ku tilmaamay in ay tahay shaqadoodda dastuuriga ah in hanti dhawrku xidhi karro xafiiskastoo dakhli lacageed qabanaya.

Hase yeeshee kadib markii ay doraad baadhitaan kedis ah ku sameeyeen labadda xafiis ee shirkadda SRM in ay go’aan sadeen in la xidho labadaas xafiis, xili ay labadii qof ee masuulka ka ahaa ku maqan yihiin dalka dibadiisa.

“In aanu xidhno xafiis dakhli qabanaya waa shaqadayadda maalin laha ah ee aanu qaranka u hayno. Tanina waxay ka mid tahay shaqadayadda aanu qaranka ugu xil saaranahay. Way jirtaa in aanu shalay (doraad) tagnay xafiisyadda shirkadda madaarrada Somaliland ugu xil saaran amaanka ee SRM la yidhaahdo.

Sharciga ayaa noo fasaxaya, haddii uu yahay midka uu baarlamaanku ansixiyay, ee takaaliifta madaarrada iyo ka 26/2016 ee xeerka hanti dhawrka guud ee qaranka” ayuu yidhi Axmed Yuusuf Dirir, oo la hadlay telefishanka ERYAL.

Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Anagoo waajibaadkayagii dastuuriga ahaa fushanayna, ayaanu shaqadaas galnay, waanay jirtaa in aanu xidhnay ama waraaq ku dhejinay xafiiska lacagaha iyo xafiiska maamulaha shirkadda SRM, iyadoo ay labaduba magaaladda Dubai ku maqan yihiin.

Markaa waa in ay noo sii xidhnaadaan intay labadda masuulba imanayaan, si ay baadhistayadu u sii socoto. Wixii war ah-na waxay ka soo bixi doonaan marka aanu baadhsita dhamayno ee shaqadayadda qabsano”.

Geesta kale  shirkadda SRM oo xafiiskeedda guud ku yaallo agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Hargaysa oo ah shirkad gaar loo leeyahay, isla markaana qaabilsan ilaalinta amaanka madaarrada diyaaradaha Somaliland.

Taasoo dhinaca amaanka garoomadda diyaaradaha Somaliland maamulaysay muddo ku siman  5 sanadood. Waxaana  la sheegay in shirkadaasi ay dalka timid xiligii uu Maxamuud Xaashi Cabdi ahaa wasiirka duulista Somaliland.

Dhinaca kale  maareeyaha guud wakaaladda duulista iyo madaarrada Somaliland duuliye sare  Cabdi Maxamed Rodol, oo aanu marar badan isku daynay in aanu arrintan wax ka waydiino ayaanay noo suurto gelin.

Si kastaba ha ahaatee waxaan weli si cad loo ogayn u jeedadda dhabta ah ee  xiligan keentay in hanti dhawraha guud uu quful ku dhijiyo xafiisyadda shirkadaasi iyo  sababta keentay in hanti dhawraha guud uu jawaab waafiya ka bixin waayo dhacdadani.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply