Maxkamadda Hargeysa oo Xukuntay Dad Ganacsanayey Diinka

0
331

Hargeysa (Dawan)- Maxkamadda degmada Hargeysa, ayaa xukun ciqaabeed ku riday shan nin oo lagu helay inay ka ganacsanayeen nooc ka mid ah xayawaanka loo yaqaano diinka .

Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa,  Cabdirashiid Maxamed Xirsi (Beergeel),  ayaa ku dhawaaqay xukunka ay ku rideen shanta dambiile waxaanu  yidhi “Waxa lagu xukumay midkiiba saddex sanno oo xadhig ciqaabeed ah oo aan iib lahayn , Saddex milyan oo ganaax ah maadaama ay dambigan qirteen , xadhigoodu wuxuu  uga bilaabmayaa maalintii la soo xidhay oo bishu ahayd 31.1. 2018.”

 

Nimanka  ayaa la sheegay inay wateen gaadhiga nooca loo yaqaano dukhaanka waxaanay maxkamaddu ku riday ganaax lacag oo dhan saddex milyan oo shillinka Somaliland ah  “Gaadhigii diinka lagu qabtay ee Fitis=ka [dukhaanka]  ahaa waxa lagu xukumay saddex milyan oo ganaax ah, haddii lagu qabto mar danbe isagoo falkan gacanta kula jira gaadhigaas Maxkamaddu waxay u xukuntay qaranka oo la wareegaysa,”ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

 

Cabdirashiid Beergeel ayaa wasaaradda degaanka ku amray inay la wareegaan xanaanaynta xawaanka , isaga oo xusay inay dib ugu soo celiyeen xoriyadiisi waxaanu  yidhi “Wasaaradda degaanka waxa lagu amrayaa in diinka ay la wareegto daryeelkiisa maanta laga bilaabo iyadoo sharcigu xoriyadiisa u celiyey diinka maanta laga bilaabo.”

Xukunka ayaa waxa soo dhaweeyey dadka u ololeeya xuquuqda Xayawaanka iyaga sheegay inuu dabar u yahay dadka  guranaya diinka.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply