Xukuumadda Somaliland oo soo Bandhigtay Tallaabooyin Lagu Xoojinayo Taabo-galnimada Mashaariicda Biyaha

0
308

Hargeysa(Dawan)- Wasiirka Horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Saleebaan Yuusuf Cali Koore,  ayaa daboolka ka qaaday tallaabooyin cusub oo wax lagaga qaban doono taabogalnimada mashaariicda biyaha, oo uu xusay inaan  hore loo dabogali jirin.

Wasiirka biyuhu waxa kaloo uu  caddeeyay in aan tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo ceel biyood iska qoda iyagoo aan haysan ogolaanshihii wasaaradda biyaha. “Waxa  ugu badan ee soo noqnoqonayaa waa dadkii mashaariicda qaadanayey oo hantidii ummada si liidata ugu shaqaynaya oo mashruucii shalay la qabtay haddii aad lix bilood ama sannad kadib aad  soo dul istaagto, waxaad u imanaysaa mashruucii oo gabi ahaanba wax macno leh aanay ka jirin ama ujeeddadii lacagta loo galiyey aan waxba ka qaban,”ayuu yidhi Wasiirka  biyaha oo ka hadlay shir wasaaradiisu soo qaban qaabisay oo lagu qabtay Hargeysa shalay.

 

 

Wasiir Koore wuxuu balan-qaaday in mashaariicda biyaha  lagala xisaabtami doono  shirkadaha iyo ashkhaasta la siiyo fulintooda, waxaanu yidhi; “Ma dhacayso inta aan joogo hanti dambe oo inta uu nin mashaariicayste ahi qaato uu sida uu doono ka yeelo, nin kasta oo mashruuc qaadanayaa  waxa uu saxeexayaa saddex sannadood oo damaanad ah isaga oo wixii ka yimaada dib u gelinaya lacagtiisa, markaa waxaynu u baahanahay in ummada hantideeda loo badbaadiyo.”

 

“Aad ayey ii xaganaysaa arrintaas mashruucyadu meel kasta oo aad tagto mashruucii shalay la dhammeeyey ayaa lagu odhanayaa wuu fadhiyaa, arrintaasina waxay aad ii taabatay intii aan dhulka marayey, siyaasadda aanu hadda qaadanay ee aanu  u hawl-galinaynaa waa in biyo xidheeno  lagu qabto biyaha sare ee dalka, qof kasta oo ku yimaadaa waxa uu ku odhanaya riig ii qod, kalmadaasina qof kasta afka ayey ka saaran tahay wixii hore ee la qodayna way fashilmeen,”ayuu yidhi wasiirka biyuhu.

 

Wasiir Saleebaan oo ka hadlayey sida biyuhu u yihiin khayraad ummadda ka dhexeeya, waxaanu yidhi “Wixii hadda ka dambeeya biyaha waxa lagu leeyahay Cashuurta lahaanshaha biyaha ee dalka, riigayga ayaan iska qodanayaa dabadeed beerta ayaan ku waraabinayaa wax shaqaynayaa maaha, hantida uu la soo baxayo ee dhulka hoostiisa ku jiraa waa biyo ay ummadu leedahay,  ma aha qaar hebel leeyahay waxaanay ka mid tahay hantida dadku leeyahay ee dhulka hoostiisa ku jira.

Sharciga cusub ee golayaashu ansixiyeen waxa uu na siinayaa in nin kasta biyihiisa lagu xidho saacad, beer ha ku waraabsado ama meel kale ha joogee, dawladuna waxay ka qaadi doontaa cashuurta gadista iyo ta lahaanshaha biyaha, ninka biyaha kala soo baxaya dhulka hoostiisana waa inuu ogaadaa in hanti dadka ka dhexaysa ay biyuhu yihiin, lacagtii uu biyaha ku iibiyeyna dadka ayaa leh ee waa inay wax uga soo noqdaan, waana lacag ku dhacaysa wasaaradda maaliyadda.”

“Riiga dambe ee aanu ku qabanno ama dhacda in isaga oo aan haysan warqadii ogolaanshaha wasaaradda qoda ceel, waxaad ogaataan inaanu galin doono liiska madow kaas oo aanay suura gal noqon doonin inuu Somaliland ka shaqaysto, riiga marka loo yeedho ee ninka mashruuca qaatay u yeedho ama cida kale u yeedha waa inuu waydiiyaa warqadii ogolaanshaha wasaaradda,”ayuu yidhi wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply