Xukuumadda Cusub oo Dib u Bilowday Dhismaha Jidka Ceerigaabo oo Istaagay

0
257

Ceerigaabo (Dawan)- Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland,  ayaa sheegtay   in ay dhismaha jidka isku xidhaya Ceerigaabo iyo Burco oo ay ku kordhinayaan   40KM, isla markaana dib loo bilaabayo dhismaha jidkaasi  oo muddo hakad ku yimid.

Sida uu sheegay wasiirka wasaaradda hawlaha guud, dhulka iyo guriyaynta jamhuuriyadda Somaliland Md.  C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi,   oo shalay dhagax dhigay 40KM ee ay dhisayaan, isla markaana dib u furay dhismaha waddadaasi.

Wasiirka iyo masuuliyiin kaloo wehelinayey ayaa  soo  kormeeray  jidkaas, iyadoo wasiirku uu sidoo kale    tilmaamay  in ay  wax-ka-beddeleen nidaamka maamul iyo xisaabeed ee mashruuca dhismaha waddada Ceerigaabo.

“Maanta (shalay) waxaynu u taaganahay in aynu dib u bilawno mashruucan oo muddo innaga yara hakaday.  40KM ayaanu dhisi doonaa muddo afar bilood ah. Waxaanu wax ka beddelnay maamulkii iyo qaab-xisabeedkii  mashruucan, sidoo kale waxaanu samaynay wakhti cayiman (timeframe)  iyo qiimayn (cost) waxa ku baxaya   in loo sameeyo. Taasina waxay inoo sahli doontaa in aynu ogaano muddada aynu waddadan  ku dhammaystirayno,”ayuu yidhi Wasiirka hawlaha Guud.

Waxa kaloo uu intaas raaciyey;  “Waxaan is leenahay qofku marka  uu meel yimaado waxaa muhiim ah wixii uu u arko waxtar in uu ku kordhiyo, uma jeedno in aanu dhaliilayno masuuliyiintii hore, balse  in aanu dar-dargelino ayuunbaanu u jeednaa.”

Sidoo kale wasiirka hawlaha guud waxa uu sharraxaad ka bixiyay  is-beddel maamul iyo qaab-xisaabeed ee ay ku sameeyeen hanaankii hore ee shaqadda iyo u jeeddada ay ka leeyihiin. “Is-beddelkan maamul ee aanu ku samaynay ma aha in aanu kuwii hore dhaliilayno, waanu u mahad naqaynaa, sababtoo ah shaqo badan ayay qabteen, wasiirradii hore shaqo badan ayay qabteen, maareeyeyaashii hore-na  shaqo badan ayay qabteen. Laakiin, marka uu qofku xafiiska yimaado waxaa muhiim ah in wixii uu u arko inay u baahan tahay in la kordhiyo ama la hagaajiyo, in uu hagaajiyo.  Anagu-na imika wax ayuunbaanu hagaajinaynaa, ” ayuu yidhi wasiir Qambi.

Dhinaca kale dhismaha jidka Ceerigaabo oo la bilaabay sanadkii 2012-kii ayaa xukuumaddii xiligaasi ee madaxweyne Siilaanyo waxay u qorshaysay in dhismaha jidkaasi lagu dhammaynayo muddo laba sannadood ah, jidkaasi oo dhererkiisu qiyaas ahaan  gaadhayo 370KM.

Iyadoo  la sheegay in ilaa 150KM oo ka mid ah jidkaasi laami laga dhigay, halka ku dhawaad 100KM oo kale-na la dhigay ciid ama carro-kaawo.  Waxaana intaas dheer in guud ahaanba shaqaalaha dawladda ee kala duwan bil kasta lacag looga jarro mushaharooyinkoodda, hase yeeshee dhismaha waddadaasi ayaa istaagay muddo hadda laga joogo sideed bilood.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply