Guddoomiyaha Awdal oo ka Dayriyey Abaarta ka Jirta Gobolka

0
318

Borama (Dawan)- Guddoomiyaha  Gobolka Awdal, Cabdiraxmaan Axmed Cali, ayaa sheegay in ay xaalad adag ku nool yihiin dadka iyo duunyada deegaannada xeebta ah ee gobolka  Awdal oo ay tabaalaysay abaar baahsan oo ka jirta gobolkaas.

Badhasaabku waxa uu ugu baaqay ganacsatada reer Somaliland iyo Hay’ahada caalamiga ahba in ay gurmad deg deg ah la soo gaadhaan dadkaasi tabaalaysan, isaga oo intaa ku daray in badhasaabkii isaga xilka ku wareejiyay iyo Maayerka degmada Boorama ay dadka abaaraysan gaadhsiiyeen kaalmo xukuumaddu  u dirtay oo muddo kooban ku filan, isla markaanaay hadda u baahan yihiin cunno, biyo iyo dawaba.

 

Guddoomiye Cabdiraxmaan waxa uu sidaa ku sheegay waraysi kooban oo uu khadka Teleefoonka ku siiyay xalay wargeyska Dawan,  isagoo ku sugan magaaladda Boorame ee xarunta gobolka Awdal.

“Abaar weyn ayaa gobolka ka jirta waxaanay ku sii badan tahay oo imika xaalad nololeed  oo adag ku jira dadka deegaanada xeebta oo iyaga iyo xoolihii ay dhaqanayeenba imika gaajo iyo harraad ay isla dul-joogaan, waxaanayn u baahan yihiin dadkaa iyo duunyadooduba in deg deg loogu soo gurmado,” ayuu yidhi Badhasaabka Gobolka Awdal.

Badhasaabku waxa uu ka hadlay kaalmo gurmad ah oo hore loo gaadhsiiyay dadkaas tabaalaysan waxaanu yidhi. “Anigu dhawaan ayaan xilka la wareegay laakiin intaanan la wareegin ayay guddoomiyihii iga horreeyay iyo maayarka degmada Boorama, ay gaadhsiiyay dadkaas abaartu ku habsatay kaamlo muddo bil ah ay ku noolaadaan oo ay Xukuumaddu ugu talo gashay, laakiin maaha  raashin  noloshooda ku filnaan kara, waxaanay ku sugan yihiin xaalad adag oo halis ku ah noloshooda, haddaan ALLE raxmaadkiisa inoo shubina way ka sii daraysaa, waxaanan u soo jeedinayaa tijaarta dalka iyo ganacsatada dalka iyo hay’addaha caalamiga ahba in ay dadkaa u soo gurmadaan oo imika aad u jilicsan una baahan gurmad deg deg ah  oo isugu jira cunto, dawo, biyo iyo calaf xoolaad oo duunyada lagu badbaadiyo.”

Guddoomiyaha, ayaa sheegay in aanu jirin deegaan ka tirsan gobolka Awdal oo roob ka curtay, waxaanu intaa ku daray in cirka daruurtu taagan tahay laakiin aanay wali meelna ka hoorin waxaanu ALLE ka baryay in uu abaarta innaga soo jabiyo oo uu raxmaadkiisa innoogu deeqo.

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply